Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Waa Kan Qaybta Jacaylka Ee Website-ka Yasin Juufe

Hordhac Gumistihii ilaa 2007 Somali News Yasin Juufe Abwaanada Suni And Shia Sawiro Arsenal Xayeeysiinta Odaygii Darood Macaamiisha Theirry Henry Nice Pleyrs Qisooyin Jacayl Sawiro Arsenal Geeridu waaxaq SADDAM KILLED Sinopek Drilling MY BEST TEAM Networking Sawirada Xulka Free Computer Pictures Coming Soon Qisadi An-biyada Languages/luuqado Blog Welcome To My Homepage Odaygii Hawiye

Yasin Juufe Wuxuu Idiin Diyaarshay ( love Pages) Qisooyin Jacayl Hadaad Tihiin Bahda Jacaylka Somaliyeed ( Welcome To Love ) waxaad arki doontaan wiil jar jaray jirkiisa kuna qoray magaca gabadha uu jecelyahay iyo dad badan oo ku qasaaray Jaceylkooda iyo kuwo badan oo ku faa"iday

 well come by web page love

anoo baahidaaydiyo
bukaan saasa aan qabin
kaalama bakhayleen
howshaan kula bogan lahaa

adigoo bukaan iyo
balo saasa aadan qabin
baahidaydu darantahay
balowgaygu sahalyahay
basan baaska waxyahagu
macnaheedu burur yahay
beero jano bilicdooda
maraytahay bari samaad
bilig hilaac mid lamoodo
dumar badan bartankooda
basar basar kuma baran
xubna badan badan keeda
kuma qaban boga sare
qof haraadan biyo kama cabo
bali maran oona kama baxo
wax labeegto baryaheenaan
bashaal dumar inuu yahay
kama baqin
ma ilaawin baridaada
xaada daadsan bowdyahaaga
akama tagin baryadaada
waayo waayo baranayee
kaalay bilnee waayo cusub

anoo baahidaadiyo
bukaan saasa aan qabin
kalama bakhayleen
howshaan kula bogan lahaa

anigoo bulaan iyo
muran baahsan anangalin
howsha aanay bixin karin
kaba tagay boogaheeda
xubintii aan boobana
gacantaydu baraftahay
barashadu waxay tahay
wax labeero soomanoqon
dhul barwaaqo naqu baxay
qurux baahsan mid lasiiyay
afka baasheen uma galin
waxaan baarto naasaheeda
uma dhicin boqonkeeda
qof haraadan biyo kama cabo
bali maran oona kama baxo
waxa labeegto baryaheenaan
bashaal dumar inuu yahay
kama baqin
ma ilaawin baridaada
xaada daadsan bowdyahaaga
kama tagin baryadaada
waayo waayo baranayee
kalay bilnee waayo cusub

anoo bahidaadiyo
bukaan saasa aan qabin
kalama bakhayleen
howshaan kula bogan lahaa



samirkiyo dulqaadkuba
waa sad lagu ducaystee
saatir laga baryaana
lama wada sinaadee
ruuxuu eebe siiyaana
cidi kama saraysee
kii aan sugaayayoo
wacadkii ma saydhine
waan sidaa

sareediyo ladnaantuba
waa saami qayboo
mawluhu ku siiyaa
anna maan saluugine
saadaal wacnaataan
sacabada u tumayaa
kii aan sugaayayoo
wacadkii ma saydhine
waan sidaa

Yasin Juufe 

Jacayl Cidina Madaayo Waa Qiso Cajiib Ah Ee Akhriso

Jaceyl cidna ma daayo


Sanca, Yemen (Juufe.8k.com) 04-September-08 { Yasin Juufe }


Jacayl cidna ma daayo..!! (Qaybtii 8-aad)... Dooddii kululeyd ee dhex-martay Odayga iyo Habarta, waa ay maqlayeen oo la socdeen Daahir iyo Deeqa; oo dhegaha ayay u raaricinayeen; haddana waxay iska dhigayeen kuwa aan warkaasba la heysan oo kale.

Dhanka kale, Oday-Dikriyow iyo Habar-Deynaba, waxaa ay isku deyayeen, in uu warkooda labadooda un ku koobnaado, si ayan u maqal Wiilka iyo Gabadhu; markaasna uusan saameyn ugu yeelan. Hase yeeshee, si aanan loogu tala-galin, ayuu warku hadba u kululaanayay, oo kor ugu kacayay.

Ujeeddada Habar-Deynaba, ee furidda Dooddan,ayaa ahayd in ay bilow u hesho sidii ay iyada iyo Dikriyow, uga wada-hadli lahaayeen: bal in ay wax isku darsan karayaan, xiriir xagga isu-dhixidda ahna uu u dhex-mari lahaa, haddii la maareeyo wixii tuqaan-tuqo ah(turaanturo), hase yeeshee, fadhigan waa lagu guulaysan kari waayay toos u garaacidda albaabkaas.

Docda kale,Daahir iyo Deeqa ayuu Warku ku yeeshay saameyn xoog leh. Waa uu ruxay, oo ku dhex-raftay gudaha maskaxdooda,siiba Daahir, oo isagu ahaa kii la karayay jacaylka Deeqa, walow uu is-nabayay oo reer magaaleynayay intii karaankiisa ah, laakin Deeqa waxay iska ahayd daacad iyo hor-u-jeed.

Fiidyadii ayuu Daahir gaaray Aqalkoodii "Anzaloti". Qolkiisii goonnida u ahaa ayuu galay, laakin waa uu kari waayay in uu caadi u akhristo duruustiisa. Wuxuu soo dhoweystay Rikoor(Naastaro), wuxuuna ku ritay Cajalad Nebi-ammaan ahayd oo uu jeclaa. Waxay ujeeddadiisu ahayd inuu baddasho mowjadda jacaylka iyo walaaca bulshadeed.

Nebi-ammaanadii uu Daahir bilaabay dhegeysigooda, waxaa ka mid ahaa:-"Naf waliba Rug iyo Guri, Raas bay ku leedahoo, iil baa leysku ridayaaye,Rabbi aan ka yaabno.Raasamaalka aakhiro, rafaad iyo barwaaquu, qofba mid un ku raagaa.Inta raacday Nebigee, rafiiqiisa noqotee, oo rumeysay noqonnee, ku salliya Rasuulka(SWC)". Wuxuu kaloo Daahir ku jiriiricoon jiray Nebi-ammaanka kale ee ah:-
"Ilaahiisa,Nebigii arkow Muxamad, adigaa ammaan leh, yaa-Muxamad".

Dhegeysiga Nebi-ammaannada iyo Akhrinta Quraanka Kariimka ah, ayaa haddii uu ku dhaqaaqo Daahir, durba ay degi jirtay Maskaxdiisu, gelina jirtay Mowjadda muxibada Allah iyo Rasuulkiisa iyo xusuusta Aakhiro.

Laakin laabta Daahir waa ay ku weynayd Deeqa. Iyaduna ma ayan ahayn mid laga samri karayay, marka la eego sharafteeda, xushmaddeeda iyo sida ay u ilaaliso dhaqanka iyo Xeerarka bulshadeed. Ma ayan la mid ahayn sida hablihii laga yiri:-" Naa bi'isay dhaqankii, sharcigii ka beydhoo,diintii burburisee, hablow maad is bar-qabataan"..!!.

Dhacdooyin la-yaab lahaa iyo ifafaale xagga mustaqbaka ah oo ifaya ayaa u muuqday Daahir oo uu arkayay in ay Gabadhu tahay: qof qiima leh, qaali ah oo isagana qaddarisa.

Dhacdo cajiib ahayd oo uu Daahir la kulmay maalin ayaa waxay ahayd:- Galab ayuu sidii caadiga ahayd u soo hormaray aqalkii Deeqa,laakin, iyadii uma ay muuqan, oo ishiisu ma ayan qaban gabadha. Hore ayuu isaga soo gudbay, wuxuuna fariistay halkii ay ugu imaan jirtay oo ay wada-saldhigan jireen.

Wuxuu is-weydiinayay halka ay qabatay Deeqa. Meesha ay ka baxday. Waxa soo kordhay. Miyay bugtaa ?. Haddii ay maanta ku maqnaato sidan, maxaa tala ah ?!!.

Isaga oo walwalkaas, walaacaas iyo walaahowgaas ku jira, ayuu wuxuu Raadiyo meel dhow ka yeerayay wuxuu ka maqlay,codeyntan:-" Anigoo ku sugayoo, kuu taagan surinkaad, sahal igu dhaaftee...sallaankaa aad fuushay, sare kuuma dhigayoo, samaan iyo xumaataba, isa- seegi meynee...sabab kale ha moodin"....!!

Halkan ka akhriso Qeybtii 1-aad
Halkan ka akhriso Qeybtii 2-aad
Halkan ka akhriso Qeybtii 3-aad
Halkan ka akhriso Qeybtii 4-aad
Halkan ka akhriso Qeybtii 5-aad
Halkan ka akhriso Qeybtii 6-aad
Halkan ka akhriso Qeybtii 7-aad

La soco qaybta 9-aad
Yasin Juufe

Waa Osama Bini Ladin Oo Lagu Dulqoray In uu Yahay Ninka Maraykan Qarxiyey

Qoraal sheeko jacayl oo aad u xanuun badan

 

Quantcast
Sheekadaani ayey ku dhacdey gabadh somaliyeed waa sheeko dhab ahi
waxayna ku bilaabanaysaa qisadeedii ku dhacday iyadoo ka sheekeynaysa sida tan:-

Magaalada Balcad ee gobolka shabeelaha dhexe oo aan ku noolaa intii aan garaadsaday 4Jirkaygii ilaa 18-jirkaygii , halkaasoo aan ka bilaabay waxbarashadaydii aan ku dhamaystay,
Mahad waxuu ka mid ahaa dhalinta aan isla jaan qaadnay in kastoo uu iga waynaa mudo 8 sanadood haddana sida aad ogtihiinba da’da raga iyo dumarka farqi baa u dhexeeya. Aan idiin Bilaabo dhacdada.
Aniga iyo Mahad waxaan ahayn laba qof oo ku soo barbaaray jacayl walaalnimo oo aad u fog iskuna xog iyo xuuraan ah, waayo waxaan ahayn deris isku degaan ah (Xaafad ah) waxaan ahaa walaashiis oo kale isaguna walaalkay oo kale.
Waxaa dhacday habeen habeenada ka mid ah iyadoo xilli uu roob ka da’ayay deegaanka Balcad dhulka tigaadu buuxisay in uu iigu yimid gurigayga oo aan ka fogayn gurigooda wuxuuna ii sheegay in uu doonayo in aan aadno riwaayad socotay Habeenkaas oo ahayd {SHUMEEY} oo markaa aad loo xiisaynayay.
Kama diidi karine waayo waxaan ahayn laba ruux aad isugu weynaaye, waxaan u sheegay in uu ii soo noqdo si aan isugu diyaariyo, isagana hadal kama soo celinin waa uu iga ogolaaday, waxaana caado noo ahayd in aan isu weheshano riwaayadaha, aroosyada, garoomada ciyaarahu waxay noo ahaayeen kuwo noloshayada ka mid ah. Waayo isagaa wata gaari noo sahla aadista goobahas.

Waqti yar kaddib buu soo noqday anigoo diyaar ah waxaan u jaan qaadnay xagii degmada oo ahayd halka riwaayada 15-ka Shumeey habeenkaa lagu dhigay dadkuna aad ugu buuqsanaa, laakiin Nasiib wanaag anagu waa haysanay tigidka oo Mahad baa soo gooyey intii aan is diyaarinayey. oo si fudud baan albaabka u gudubnay, Kadib daawashadii riwaayada oo aad u xiiso badnay, ayuu iga codsaday in aan magaalada dibada uga baxno, waana ka aqbalay waxaan Tagnay aaga u dhexeeya dugsiga sare iyo Mashruuca oo aad u qurux badnaa, Markaa iyada ah anigu Mahad uma hayo wax dhaafsiisan Jacayl walaalnimo, balse isagu mid ka duwan ayuu wataa sidii uu iigu soo gudbiyeyna waa sidan:

Mahad: Walaal A…m ma ogtahy in aan aad kuu jeclahy………..

A.M: Haa oo aniguba waan ku jeclay mid walaalnimo.

Mahad: Laakiin anigu waxaan kuu jeclahay si dhab ah ……

A.M: Oo Hadaa ma kaygaa dheel ah maxaa walaalinimo ka fiican.

Mahad: Waa ogahay in walaanimo qaali tahay, lakiin aniga waxaa ila soo gudboonaaday hami iyo qami la xiriira Jacaylka aan kuu qabo oo iga ah dhab in aan nolosha kula qaybsaso baana iga go.an.
Runtii waxay igu noqotay fajac si aan ku aqbalo ma aqaan si aan ku diidana ma aqaan, waxaanse ka codsaday in uu isiiyo waqti aan ku soo fekero, waana iga ogolaaday.

Waxaan ahaa gabar markaa soo kacday oo aan weli cid la sheeko wadaagin marka laga reebo Mahad iyo C/salaan oo mid walaalnimo naga dhaxaysay mooyee, hadaba waxaan ka badin waayey in aan aqbalo codsigii Mahad uu ii soo bandhigay.

Waa habeen Isniin ah, Jawigu waa mid aad u qurux badan oo rooban, waxaan ku kulanay goob gawaarida Taxi laga kireeyo anigoo soo sagootiyey gabar aan isku galaas ahayn.

wuxuu igu yiri aan idin qaado si aan hadhaw isugu keliyasano waana ka aqbalay, markii aan khadiijo xaafadoodii gaynay kadib waxaan beegsanay dibada Magaalada, Waxaan xulanay meel aad u qurux badan oo Kaaraa-bidhaanku biligtaa tan iyo cabaar markaan kaaraabidhaanka qabo iyo ma qaban kartid islahayn ayuu su’aal i waydiiyey:

A.M maxaad iiga haysaa codsigaygii..? Aad baan u naxay waayo ugubnimadu waa ii saamixi wayday in aan markiiba iraahdo waa aqbalay, markaan cabaar aamusnaa ayuu mar kale yiri “Miyaanan u qalmin in aan ku jeclaado..?.” mar kale ayaan argagaxay oo aan ka naxay hadalkaan dambe waxaana ugu jawaabay anigoo jaraynaya “Waad u qalantaa walaal waana aqbalay”.

Habeenkaa Taariikhdu waxay ahayd 16/6/1998 wixii ka danbeeyey ilaa laga gaaro 1/2/1990 waxaan ahayn kuwo lagu daydo ama lagu halqabsado marka Jacayl laga hadlayo degaankaan ku noolayn, Nasiib daro waxaa na soo wajahaday markii ay dagaalada sokeeye soomaliya ka dhaceen oo ay beelihii aan ka dhalanay dagaalameen, oo aan kala fogaanay oo midkayaba midka kale tebay laakiin uusan aqoon meel uu u doono.

DHACDADII LABAAD:

Waxaan ku kulanay magaalada Nayroobi ee xarunta u ah dalka Kenya Gabar aan isku deegaan ahayn salaan kaddib waxaan waydiiyey bal in ay meel ku ogtahay Gacaliyahaygii waxayse ii sheegtay arrin aad iyo aad uga qiirooday oo ah in uu waashay oo uu qashinka ururiyo qofkii dumar ah ee uu dhaayaha saaraba uu magacayga ugu yeero, daqiiqado oohin iyo dhiilo ah ayaan jabsaday, kaddib waxaan waydiiyeey meeshii ugu aragti danbaysay waxayna igu tiri “Magaalada Xamar, gaar ahaan Siinaay.

In cabbaar ah ayaan saldhigtay jirdiin u dhowaa goobtii aan ku kulanay gabadhii raadkan xun igu reebtay, su’aallo badan oo aan isweydiiyay kaddib ayaa waxaan go’aan saday in aan dib ugu soo noqdo Xamar si aan dhibka ula qaybsado wiilka ay kala fogaantayadu qalbigiisa dhaawacday. waxaan u soo anba baxay xamar anigoo soo raacay diyaarad jaad oo fariisata 50km, Waxaay ahayd xili ay aad iyo aad nabadgelyadu u xumayd oo gaarigii aan ka soo raacay KM50 ayaa lagu baartay meel waxayar u jirta kuliyadii Lafoole, waxaan halkaas ku waayey wixii aan sitay oo sahay ahaa. anigoo aan waxba sidan labadii shay oo aan xirnaamooyee ayaan soogalay xamar.

Waxaan beegsaday guri ay lahaayeen reer aan macruuf ahayn, Waayo mid walaalkay lahaa oo madiino ku yiil ma aadi karo Nabadgelyo awgeed.Markii aan soo gaaray gurigii aan u socday mise waa hore ayaa laga qaxay, waxaan waydiiyey reerkii guri ahaan ugu xigay waxayna ii sheegeen inay Yaaqshiid u guureen oo beeshoodu ka taliso.

waxaan qaatay tilmaantii la i siiyey waxaana beegsaday meeshii la ii tilmaamay shido badan kadib waxaan ku guulaystay in aan helo gurigii ay ku noolayeen macruufkaygu haseyeeshee qofkii u horeeyey oo i arkaa wuxuu iigu yeeray magac beeleed aan aad u dhibsaday. waxaana go’aansaday in aan dib uga laabto iyagoo ila sii hadlaya ayaa dhabarkaygii ka qarsoomay, waxaan beegsaday dhanka siinaay oo aan is leeyeyhey bal ka doon doon kii aan dartiis dalka ugu soo laabtay, maalintaa iima suuroobin in aan helo oo gabalkii wuxuu iga dumay anigoo aan helin xataa cid ii sheegta. Waxaan garaacay albaabkii iigu iigu dhowaa markii gabalku dhacay waxaase iga furtay qof aan aad isugu faraxnay all waa A.M iyo Alawaa khadiijo, alla xagee ka timi iyo Nairobi walaal soo gudun, qubayso, iyo wax cun gacalo ku dheehantay ka dib ayaan is warayanay waxaan u sheegay u jeedada socodkayga iyo in ay i caawinto si aan u helo wiilkaa dartay u dhibaataysan. Waxay ii sheegtay in ay reerkoodii u kaxeeyeen B/Wayne hase yeeshee uu joogo wiil ay walaalo ahayeen oo Gaari wata Labadii maalmoobana uu mar yimaado oo ka shaqeeya isla beled wayne.

Waxaan ka codsaday in ay i tusto meesha uu ka baxo si aan ugu raaco B/Wayne. Maalin ka dib ayuu yimi markii aan la kulamay wuxuu ii muujiyey weji furan iyo farxad wuxuuna ii sheegay in uu beri tegayo, Laakiin wuxuu igula taliyey in aan iska Joogo waayo qadiyada jirtaa waxaa laga yaabaa in ay dhib ii gaysato wuxuuna iga balan qaaday in uu soo qaadayo isaga oo keenayo xarmar si aan u kulanano:

Maalin Xasuus, Dhiilo iyo farxad xanbaarsan: 4/9/1993-dii goor subax ah ayaa albaabka la soo garaacay waan furay waayo waxaan ahaa qofkii ugu dhowaa waxaa in dhaygu qabteen Mahad oo timihii ku baxeen, aad caato u ah, oo dhalan rogan: naxdin iyo farxad Maxaa dhacay: Walaalkiis C/kariin oo markaa waday ayaa ku yiri “Ma garanaysaa gabadhan wuxuu yiri haa Waa A.M” Waan ku soo booday oo isku duubay daqiiqado kaddib ayuu C/Kariin ii sheegay in aan ahay qofkii ugu horeeyey oo uu garto muddo Labo sano ah.

Waxaan ka codsaday in uu iiga tago si aan bal u derso dareenkiisa iyo sida uu waxa u tabanayo intii hadalka aan wadanay
C/kariin ayuu iga soo dhex galay isagoo igu yiri “Xagee iga aaday, maxaad ii dishay, xagee igu ogayd” isagoo sii daba dhigay su’aallo badan oo aan garan waayay, si saxariir ah ayaan ugu war celiyay iyadoo su’aalahaas is daba jooga ah aan fahmi waayay.

Mudo kaddib ayaan ku iri “Waa anigaan kuu soo noqday mar dambana kaa tegimayaayo”. Waxaan ka ogaaday muddadii aan wada joognay in aan maskaxdiisu dhamayn uuna u hoggaansan yahay wixii aan iraahdo.

Waxaana go’aansaday in aan u kaxeeyo halkii aan ku noolaa ee Nayroobi oo aan la dhuunto waayo waxaan ka baqay in reerkoodu iga diidaan. waxaana arrintaas kala tashaday Khadiijo waxayna igu tiri “Ku dhaqaaq wixii dhaqqale ahna anigaa kugu saacidaya”.

Waxaan u yeeray walaalkiis C/kariin oo aan u sheegay in uu iigaga tago oo safarkiisa uusan baajin ee marka dambe oo uu soo noqdo uu kaxeeyo, maadaama ay bani’aadamnimadu ku jirto in la is badbaadiyo.
Kaddib waxaan isu diyaariyey safar qarsoodi ah waxaana kaga ambabaxay magaalada Muqdisho safar dhinaca dhulka ah anigoo sii raacay gaari u socday Gobolka J/hoose xaruntiisa Kismaayo, markii aan tagnayna waxaan ka sii raacnay diyaarad ilaa Nayroobi.

Durba ma nasan oo waxaan geeyey dhakhtar dhimirka qaabilsan, hase yeeshee wax wayn uma tarin keliya daawo dejisa ayay siiyeen cid ma dilo, cid ma caayo sidaasaan kuwada noolnahay isagoo dhimirka aan caadi ahayn iyo anigoo isga uun eegta.

Waxaan deris la hay Jacaylkiisa isagoon nin ii ahayn waayo nin waalan waxba kuma xirmaan waxna kama furmaan, Reerkoodu waxay ii yaqaaniin saaxiradii wiilkooda waashay, reerkayaguna waxay ii yaqaaniin tii sixranaday markaan dersay waxa soomalidu sixirka u Taqaani

WAA JACAYKA DHABTA AH.

Haddaba Mudo 12sano ah waxaan ku wada noolnay aragti keliya eed aadane oo aan ka baxsan lahay waayo isagu waxba garan maayo waxa ay leeyihiin oo waa qof ku nool daawo iyo in uu aniga i ag joogo keliya.

hadaba dhalinyaro gabadhaasi sow lama dhihi karo waa gabadh mudan in la xuso waayo waa gabadh u daris ah mucjiso jaceyl waa gabadh ku heysata nin waalan guri misane korsaneyso mucjiso tan oo kale ah masoo marin jaceyl

hadaba wixii ra,yigaaga ah inoogu soo hagaaji email adress Juufe77@gmail.com

Osama Oo Madax Ku Duubtay Go'iisa Cad Kiikalana garabka Saartay Maxaad ka Filaysaa

AFKA LAGAMA SHEEGTO ADOON JACEYL ARAG/
KHADRA DAAHIR

Afka lagama sheegtoo
adigoon jacayl arag
looma uur xumaadee

Aniguu i helayoo
intuu soo abraaruu
xadhig igu adkeeyee

soowtan aramadiisii
oofaha dhexdoodiyo
adhaxduu i gooyee

Kii igu abuureen
u ilmeynayoow

ha igu eegine
ii imoow.

Anfacadii ka go ayoo
eedaadka caashaqa
u adkeeysan waayee

intuu igu itaalsadey
iimana tudhaayoo
anfariir ka qaade

sow tan alhumadiisii
igu sii fideeysee
aan ka jiifsan waayee.

Kii igu abuureen
u ilmeynayoow
ha igu eegine
ii imoow.
waxaa kuu diyaariyey

KHADRA DAAHIR
Dawada Caashaqa

Cawoy maalinbaa la yidhi
cadoy gudcur baa la yidhi
cidloy wehel baa la yidhi
Amaanadu waa culeys
Cirka iyo dhulku diidayoo
Carona waxa la yidhi mugeed

Dawada cashaqan i heley
Cidkale loo doonimaayo
Cilmiga ha laguu dhigee
Caqliga kaasho baaa la yidhi

Repeat-1

Cod iyo jiib baa la yidhi
Jaan iyo cidhib baa la yidhi
cayaar sacab baa la yidhi

Cod iyo jiib baa la yidhi
Cad iyo jiidh baa la yidhi
Ciyaar sacab baa la ydihi
Qofuu cudurkuu hayoon
Hadana kaa cawinayn
Cad kaa maqan baa la yidhi

Dawada cashaqan i heley
Cidkale loo doonimaayo
Cilmiga ha laguu dhigee
Caqliga kaasho baa la yidhi

Repeat-1

Carab ku hadal baa la yidhi
Cagay socod baa la yidhi
Cuntoy dhadhan baa la yidhi
Dunidu waa caynba cayno
Waxaad ceebta u taqaan
Qof bay camal kiisa tahay

Dawada cashaqan i heley
Cidkale loo doonimaayo
Cilmiga ha laguu dhigee
Caqliga kaasho baa la yidhi.
waxaa kuu diyaariyey

HEESTII Caashaqa Ha Baayicin XASAN ADAN SAMATAR

Xasan Adan

caashadu ilaahay
cirka taagay udubli
ciidana ka dhigay gogol
wabiyada cartamayiyo
cidhifyada bad kaga xidhay
iyo buuraahaa culus
cimrigeed aduunyadaa
waxa jiraa col iyo nabadee
caydhiyo nin xoola leh
iyo laba is caashaqay
caawana kamay tagin
caynkaynu ku ogeyn
adna calafka kuu qoran
cuuna seegi maayee
caashaqa ha baayicin

Magool

cadadkuu ilaahay
caradeena joojee
aadan ciida ka alkumay
xaawana cadkiisiyo
feedh calaanta laga dhigay
cishadaa ma uuneyd
caawana ma nooshahay
caqliga sidaa hadalkuye
carab dalab la sheegee
ceeryaamo iyo boodh
ciiro ha isku qarinine
noloshayda caydh iyo
cilmi guraan ku fadhiyin
ku caar caari maaye
caashaqa iska ilow

Xasan

xalaytabao caweskii
canabay daruuruuhu
cimidh bay ahaayeen
caawana lagu ma oga
wakhtigii ku ciiliyo
cisigiyo wanaaguna
way is daba caraabaan
waxana kuu cadayn kara
caamiyaha indhaha liyo
ma ogtahay curyaankaba
cago loo ma waayine
caynkaa wax loo yidhi
ku wa cararayee ladan
inay ku cibro qataan
caashaqa ha baayicin

Magool

bada caarid maalmaha
cawa daranta fiidkiyo
caddadaa walaala
cadcedii timaadaan
dadka ruux cadibanoo
waayhuu ku ciiriyo
mid caruusa yaa jiroo
caad iga ma saarnee
ee cilmiyada ilaahay
anigoon aan casiyin
cabsi ha igu galine
adigoon cuud dhaqan
caashaqan ku taabtaan
cudurdaar u yeelee
ceeb kale miyaan dhigay.
waxaa kuu diyaariyey

HEESTII CASHAQ GODLADEY FANAANKII XASAN ADAN SAMATAR

Xalay gelin dhexaadkii
Mar aan mayrac guuraha
Sheedda guriga faallaley
Oon himilo gaariyo
Dayaxoon galsho lahayn
Illayskiisa galalacy
Sida goonni daaq cawl
Gaaf meeray socodkii

Oon guudka laaniyo
Millilicay gob weynoo
Midba goonni laamaha
Rucub midha guduuttiyo
Gad gaddoonka raamuhu
Dhexda geri garaaraha
Hadba gees u liicaan

Oon weli gar eexaad
Lagu niqin guntiisoo
Gudin nabar u yeeshiyo
Gacan cadow ku dhicinoo
Oon halaq galeen iyo
Inna godad lahaynoo
Gardhadiyo caleemaha
Aanay haaddu goyn karin

Oon xididka gaarrani
Dayrtoo gidaaddiyo
Gu’la waayey aragoo
Gunta rayska kula jira
Oo hoos galbeedkiyo
Hadhka gelinku bixiyaa
Neecaw gaar ah leeyiin

Oo meel gabboodiyo
Saba guri ku yaalloo
Leexa is galaashiyo
Ufta garannug kiciyiyo
Dabaylaha gilgilayaa
Marna aanay goyn karin

Kalgacayl i galay iyo
Gocashada xasuustiyo
Haybaddayda gudubtoo
Naxariis indhuhu godol
Baalashii is geliyeen
Ayaa gadafka muuqaa
Geed iiga dhigayee
Illeyn araggu waa gabar
Mase garanayee talo!

Guurti yaa mari laa?
Goob xarashada yaa
Isagoon gilgila sugin
Garta keligii niqi laa?
Naftu gogo tiraabtee
Googaala badanaa
Gudbi weydey socodkee
Ma god baa horteeda ah?

Inan laba mid soo galo
Sow ilama gudboonaan
Geesi waaya aragii
Danti kama guddoomee
Sow ardaaga gurigeed
Gaashaanka maan dhigan

Sow ereya googo’an
Gooli baadh kumaan oran
Guuleed ma joogaa?

Guntanaha sarbeebta ah
Sow maanay garanoo
Kaftan dhiirri geliniyo
Googaa ma oranoo
Sheekadii igama gurin
Oo gudasho xeer iyo
Gaari camalladeedii
Gogol iima soo dhigin

Haasaawe guud oo
Gardaadsaday jacayl iyo
Sow barasha gaaroo
Aannu libin ka gaarnaa
Goobtaa kamuu dhalan

Laxawgaaa guntamey iyo
Badhaxaa kasoo go’ay
Qalbigii gudhnaayee
Irmaanaaday galabtaa

Gacma furan dhankaygee
Daallo geedeheedii
Gani aan ka guray iyo
Guntimooyin ubaxoo
Xariir lagu ganeeyaan
Kuu geliyey qoortee
Deeq gacal ah weeyee
Gobaad waxaad ku geysaa
Boholyow aan qof ii gelin
Geddii aan ku noolaa
Giijiyoo xishoodkana
Addiguna garaad badaneey
Maanku kaama guuree
Murti aan la goohiyo
Gunno weeye keligaa
Gabdho aad ka mudatee
Geestaydan caashaqa
Ga GODLADEY ha gaagixineey
Ka godladey ha gaagixin…..
waxaa kuu diyaariyey

HEESTII Dhoof Caashaq FANAANKII XASAN AADAN SAMATAR
Jacayl aan dhamaanbaa
Dhexda iigu maranoo
kii hore ayaa i dhaawacay
kanna way igu dhaafee

Dhabuhuu ka foofiyo
Dhib u qaad miyaan ahay
Dharaaraba waxyaablaa
igu soo dhacaayee

Allahayow dhib badanaa
adoo dhoofey caashaqa
dhul shisheeye kaa heley

Waaban soo dhaqaaqee
dhiiranaa il adaga
dhabaha yuu lasoo marey
dhawr habeen dayaaradi
meel ay udhixi buu
dhakhso iigu yimide
dheereeye maxaa side

Waxa kaloon la dhaygagay
koron korta dhirteedii
dhulkoo hodon ah geedaha
dhayntiyo canba is xidhey
kayn libaax ilmaha dhigo
anigoo ku dhuuntuu
igasoo dhex saaree
dhaayihiisu furanaa
ma dhal awliyaadbaa

Hurdo miyaan dhakoolaa
dhan markaan useexdaba
soow dhool la moodii
dhabta anoo ku heeysta
kuma soo dhadhabayoo
dheelalow ma soo kaco

Soomaaliya Dhankeedii
Dhawaq farax leh mooyee
Dhiilo kama sugaayee

Allahayow iyadoon dhiman
Dhaban quruxsan oo ladan
Kalgacaylkii dhicin
waliba dhir sii korey
dhulkiiyoo barwaaqaa
dhamaantayo na nabad gee
waxaa kuu diyaariyey

HEESTII Habooney Naftaydan IYO FANAANKII XASAN AADAN SAMATAR

sida hogasha roobka
ama hilaaca guyoo da’ay
hobaan bislaatiyo
haro wada biyeysan
oo lagu hayaamo
hubaal sahan kii uu raray
waxuu si hintiqiyaba
hada qadacsi loo jiro

haboonay naftaydaan
higsi baad ku noqatoo
adaa ii hiraayee
hadaad diido hadalkayga
habeen wacan nasiibkayga
halkaygaan ku sugayaa

hanfi iyo dabayl baa
isu kay hadheeyoo
sida hawd dulhamagan
habaqa iga baxayaa

hadaan haysto taladaa
hiboy kaama hiisheen
kuu hoodo sheegtee
haween haygu noqonine
waxaan hiilay noqon laa
halista iyo dhibtaan qabo
adoo iga horjoogsada
hadaad diido hadalkayga
habeen wacan nasiibkayga
halkaygan ku sugayaa

hanaankiyo quruxdaan
hiboy kugu jeclaadee
hablahaad u sidataa
haybadiyo asluubtee
sahamiyey dartaayo
habeen socod ku waasho
waxan eega dhaafaa
hawadaa sareetee

waxaan hiilay noqon laa
halista iyo dhibtaan qabo
adoo iga horjoogsada
hadaad diido hadalkayga
habeen wacan nasiibkayga
halkaygan ku sugayaa
waxaa kuu diyaariyey

HEESTII Kalgacaylku Waa Qani FANAANADII HIBO NUURA
Kalgacaylku Waa Qani
Caashaqa Ka Qaran Weyn
Quruxiyo Wanaag Badan
Waana Shay Ku Qaaliya
Qiimeynta Aadmiga
Labada Isla Qadaan
Qalbigooda Kama Go’e
Waxan Igaba Kaa Qaban
Kuu Quudhi Maayee
Qumanoow U Jeedada
Waanada Adoon Qubin
Soo Dhawayn Qalbi Furan
Oon Qoonsimaad Lahayn
Geestaada Ila Qabo.

Saalax Qaasim

Allow Yaa Habeen Qudha
Uurkeyga Qala Oo
Qudha Uun La Iga Jarin
Quuruumaha Ku Loolama
Ku Yidhaa Garta U Qaad
taladaan qandhoodee
aan qawda ku hayaa
qotodeedu dheeraa
iinsha alaahu waan qaban
Qalanjooy Inanadee
Hadii La Isku Keen Qorey
Oo Aan Qof Isku Leenahay
Waan Isla Qosli Doonaa
Adna Taa Qiraha Gali

Hibo Mohamed

Baribaa Nin Qaaliya
Qom Uu La Noolaa
Qawlka Uu Yidhaahdaba
Hadii uu Quraanyahay
Ay Ka Qaadan Waayeen
kol adoon i qadinayn
quluubtu way ku raacdee
nafta aan qaboojee
hadal quruxsan ii sheeg
Quumanow U Jeedada
Waanada Adoon Qubin
soo dhawayn Qalbi Furan
Oon Qoonsimaad Lahayn
Geestaad Ila Qabo.

Saalax Qaasim

Aduunyada Qorshaa Jira
Iyo Qaabab Waaweyn
qarar oodan baa badan
Qaxar Iyo Dhibaatana
Intaa Way Is Dhex Qaadaan
Qandoodee sheekada
waan qaadi doonaa
qarqarsiga ku jiidoo
hawlaha ma qabanaa
Qalanjooy Inanadee
Hadii La Isku Keen Qorey
Oo Aan Qof Isku Leenahay
Waan Isla Qosli Doonaa
Adna Taa Qiraha Gali
waxaa kuu diyaariyey

HEESTII Kalgaceyl FANAANADII HIBO NUURA
Kalgaceyl illeen igama suulee
laabteydaan samir iraahdaa
sare iyo hoose wax ugu sheegaa
kolkaan taladeyda siiyo iyadoo
aan igu saluugin kaa siistay by igu tiraah
anigoon moogeynba saacad ayey
ayey iga salalisaayoo
Anigu waxba maan samayne
sababta adigaa lahaaye
sag-saaga intaad ka dayso
sidaan doonaayo garo oo
sidaasay igu tiraah
hadaad samo ii falaysid
anigu waa ley sitaaye
miyaan niyadayda siiyay
warkiisii maad isiin
sidaasay igu tiraah,
sidaasay igu tiraah

Fakarkaa badan ee aad sameyso
qalbigaan iska saar iraahdaa
intuu samo ila gudoontuu
markaan seexo is iraahdaba
hadana saqda dhexe
go’aan buu igula soo sare kacaa
su’aashuu igu yiraahna mid weeyaan
weeyaan suuragal ahoo
intaad keymaha jacaylka
aniga ii sahamisaa baad
sidii sabigiyo dhallaankaad
afkoodii igu sabaysaa
samaantiyo nolosha fiican
si aan ugu wada dhaqnaano
intaan isa seegi lahayn
sidoodaan raacayaayoo
sadrigu meeshuu qabsady
sama kula waarayaa,
sama kula waarayaa.

waxaa kuu diyaariyey

HEESTII Dhalanteed FANAANADII HIBO NUURA
Nimuu dhabarku jaban yahay
dhaq dhaqaaqi maaye
sidan dhawr habeen qaday
dhafooradu i jiitee
waa dhaawacaagii
waxanaan la dhubtee
markii aan ku dhawraba
dhibaa ii kordheysee

Hibo Nuura

Markii hore dhitiyo subag
dhay baan filaayee
dhiil madhan adoo sida
dhabta iga tuurtee
dharab orodka xoolaha
dhurwaagaa ku laayee
ani dhedo iyo ceeryaan
hay odhan ka dhaansee
dhalanteedku waa midaan
iga dhaadhacayne

Xasan Diiriye

Ninkii dhiiranaan jiray
wakhtigaa dhantaaloo
dhaxaan itaalkay
amba dhaban adeegoo
dhudhun iyo lixaadkii
wax ku dheefi waayee
hagar kuguma dhaafine
dhadhaab bau i horyaalee

Hibo Nuura

Aqal dhinac banaan yahay
dhaxan kaama celiyee
dharaartii aan baahnaa
igu dhege adeygtee
dhuub kaa koley tahay
kama helin dhaqaalee
waadigii i dhigay meel
dhamac iyo abaaroo
dhalanteedku waa midaan
iga dhaadhacayne

Xasan Diiriye

Sidii dheeha geeloo
dhamaal hawdka daaqdoo
danihii bulaaliyo
dhobaale joogtaa
ama tahay dhir canabaad
dhaayaha u roontee
wali waan dhursugayaa
inaan wada dhamaynee

Hibo Nuura

Ninkii dhuumanaayee
dhabarkiisu muuqdee
dhakhso loo ogaadaa
sidiisi ka dhigantoo
hadalka dhan saarka ah
kaa dhageysan maayee
hadii ay dhab kaa tahay
dhaar may ii maraysaa
mise kala dhaqaanaye
sidaasaan ku dhaafnaa..
waxaa kuu diyaariyey


HEESTII Kaa doortay khayrkaa

Qurux badanidaayee
Qiimo weeynidaayee
Qalbiguna ku jecelaa

Qawlkaadu waa dahab
Aan la quurikarininee
Ala qaalisanidaa

Kaa doortay Qayrkaa
Laabteeydaan kugu qoray
Ila qaybso noloshoo
Kalgaceeylka ila qaad

Ala qumanidaayee
Qaayo weeynidaayee
Ma qof kula midaa jira

Niyadeeyda qaadoo
Qancisay nafteeydee
Ma qof kula midaa jira
Ala qaalisanidaa

Kaa doortay Qayrkaa
Laabteeydaan kugu qoray
Ila qaybso noloshoo
Kalgaceeylka ila qabo
waxaa kuu diyaariyey

HEESTII Neecawda jaceyl FANAANKII HANUUNIYE
Qalbigaan is nooc ka wada nahayoo
Nabarka ku damqaayaan Uunugulahayoo
Naftaadu nafteyda waa u naxariis

Niyada isku mida namiimka dakiyo
Naxligu ma galee

Neecaawda jaceyl neecaawda jaceyl
Nacabka ka jiroo naceybka ka dhawr

Nabdiga ku raboo ku naawilayoo
Nimca aad u tahiyo nasteexo ugoow
Cishqiga nagibaa ase nuurinayee

Niyada isku mida namiimka dadkiyo
Naxliga ma galee

Neecawda jaceyl neecaawda jaceyl
Nacabka ka jiroo naceybka ka dhaw
waxaa kuu diyaariyey

HEESTII waa halis nafteeyduye HANUUNIYE
Qurux lagu hanqaaramaay
Heeybad iyo wanaageey
Sharaf iyo hanaanba
Rabi kuu hibeeyee
Haweenka aad ku dhaaftoo
Aad ugu horeeysaa

Qalbi kugu hamiya iyo
Hurdo aan ladeeynaa
Caashaqu haleeloo
Anigana i hawlee

Waa halis nafteeyduyee 2
Sidee laguugu laguugu
Sidee laguugu helayaa?

Qurux lagu hanqaarmaay
Hogol iyo hilaaceey
Hood iyo nasiib wacan
Oo aan haweenku wada helin
Adigaa hantiyayoo
Ifka ugu horeeyee

Qalbi kuu hilooboo
Kuu qabo haraadaa
Caashqa haleeloo
Anigana i hawlee
waxaa kuu diyaariyey

HEESTII RAALIYO IYO FANAANKII LAFOOLE

Rag iyo dumaroow ogoow
riyada reer kuma dhismee
run-buu ku nagaanayaa

rafiiqi buu doonayaa
hadaan la is raali galin

barwaaqo raarantoo
cishqiqu wuu ragaadayaa
jacaylkuna wuu ribaday

ra’yigoo la is dhaafsadaa
rasmiga lagu gaadhayaa

Markaasaa raaliya ninkuu
calaf raaciyaa
nolosha u riyaaqayaa

Markay tolo raaran tahey
rabbaa lala kaashadaa
dantoo la iska raaridaa

samaha lagu raadiyaa
rug iyo guri lagu dhisaa

raxmaad soo da aa
ramaadku soo baxaa
rucubta laga soo gurtaa

rayrayn lagu waarayaa
raaxo da loo wada jiraa

markaasaa raaliya ninkuu
calaf raaciyaa
nolosha u riyaaqayaa
waxaa kuu diyaariyey

Ururka Al-Qaida Waa Rag Badan Yahay Sheikhana Waa Shiekh Kamid Ah

Omar Bin Ladin & Jean Flex Brown

Cumar Osaama Bin Ladib oo ah Wiil uu dhaley hogaamiyaha shabakada Al-Qaacida ayaa la xaqiijiyey in uu qudbo sireed ku guursadey haweenay 51 sano jir ah oo u dhalatey wadanka Ingiriiska, taasi oo ah hooyo dhashey 3 caruur, isla markaana sii ah ayeeyo ilmaheedu ilmo sii dhaleen.

Jean Flex Brown oo ah haweenayda uu guursadey wiilka afaraad ee ka midka ah 17 ilmood ee uu dhaley Osaama Bin Ladin ayaa u sheegtey jariirada Times in ay ku faraxsan tahay guurka ay guursatey Ina Bin Ladin iyadoo tibaaxdey in meher qarsoodi ah uu ku dhexmarey magaalada Qaahira ee caasimada wadanka Masar 24-kii April, waxaana ay sheegtey in meherkaasi uu ahaa mid qarsoodi ah oo aanay ogaan dad badani marka laga reebo dad yar oo sirta ay isku qarsadeen haweenaydan uu guursadey wiilka uu dhaley Osaama Bin Ladin.

Mss Brown waxay sheegtey inay Cumar Bin Ladino oo 27 sano jir ah ay isku barteen magaalada Qaahira mar ay halkaasi socdaal ku tagtey, waxaana ay sheegtey inay noqotey xaaska labaad ee Cumar Osaama Bin Ladin, iyadoo soo qaadatey in diinta Islaamka ay ninka muslimka ah u ogoshahay in uu guursan karo 4 xaas.

Iyadoo ka sheekaynaysa sida ay isula xiriiraan wiilka guursadey ee uu dhaley Bin Ladin waxay tiri “ Maalin walba waynu wada xiriirnaa, waxaan kuwada xiriirnaa Telefoon ama Internet-ka oo aan wadasheekaysi ku sameyno (chating).

“Wiilkan Cumar ah ee aan is caashaqney ee aan is guursanay waa nin beri ka ah waxyaabaha uu ku kacayo aabihii, waana nin aan lagu xukumi karin, ama aan loo qaban karin waxyaabaha dhacaya, waxaan markii aan isqabnay mudo 2 bilood ah aan waydiiyey aabihii Osaama Bin Ladin, waxaana uu ii sheegay in aabihii waa Bin Laden’e in isaga oo yar uu ka soo wadey wadanka Sacuudiga, uuna geeyey wadanka Suudaan, halkaasi markii ay mudo ku noolaaneeyeen waxay u wareegeen wadanka Afganistaan, laakin sanadkii 2000 ayaa Cumar wuxuu ka soo tagey aabihii Osaama Bin Ladin” ayey tiri Jean Flex Brown.

Jean Flex Brown haweenaydan 51 sano jirka ah ee uu guursadey wiilka Cusaama Bin Ladin waxay sheegtey inay horey u soo martey shan guur oo guurkan uu u yahay kii lixaad, laakin waxay “ Guurkani waa mid iiga duwan guurkii hore ee aan soo marey, Cumar aniga ayaa caashaqey waayo waa dooqeyga, waana nin aan jeclahay, waligey ma heli doono nin la mid ah, aniga nafteyda ayuu soo jiitey, waa shaqsi degan, hadalkiisuna ma ahan mid leex leexad leh”  ayey tiri Flex Brown.

Jean Flex Brown markii ay isguursadeen wiilka Osaama Bin Ladin waxay iska badashey magaceedii reer galbeedka ahaa waxayna la baxdey Zeena Mohamed, mar ay ka hadlaysey sida ay ku wada xiriiri jireen iyo caqabadaha la soo gudboonaadey xiriirkooda waxay sheegtey in inta badan ay dhib kala kulmi jireen xaga luuqada, balse waxay intaasi ku dartey in dareenkooda uu yahay mid isa soo jiidanaya.

Mar ay ka sheekaynayey in uu jiro xiriir u dhaxeeya wiilka Ina Osaama Bin Ladin ee ay isguursadeen waxay sheegtey Jean Flex Brown in wiilka iyo aabihii aanay wax xiriir laheyn tan iyo sanadkii 2000, waxay sidoo kale ka warantey dhibka gaarka ah ee inankan haysta, waxay tiri “ dhibka haya Cumar wuu badan yahay, xitaa safar uma bixi karo, waayo magaca aabihii ayaa ka dhigey mid Qatar ah oo ma jirto cid fiise ama dal ku gal siinaysa.

Haweenaydan uu sodoga u noqonayo ninka Mareykanku ugu raadinta yahay waxay sheegtey in haatan ay wado sidii safaatada Britain ay uga heli laheyd dal ku hal ama Vissa ninkeeda cusub uu ku tagi karo wadanka Ingiriiska.

Dhawaan mar ay booqatey waxay ka baxsatey oo ay ka gashey dhuumaaleeysi saxaafada, iyadoo ka cabsi qabtey inay sheekadan si weyn u lafa guraan.

Qore Yasin Juufe

Qariiradaan Waa Iraq iyo Meelaha Uu Dagaalka Ka Socdo Ee Gaalada Lagu Laynayo Allow Jabi Gaalada

Ma dooneeysaa in aad noqoto Nin Roomaantik ama gabar roomaansiyad ah

Eray ahaan Roomaansi waa mashaacir ama dareemo , waa awoodda in la is fahmo taasi oo sara u sii qadeysa jiritaanka Jaceayalkaaga .

Hadaba ma doneysa in aad noqoto nin Roomaansi ah ama haweeney Roomaansiyad ah oo abuuri karta dareeamaha Jaceaylka?
Hadaba raac tusaalooyinkani
*Ku dheh waan ku jecelahay xitaa hadii ay careysan tahay , Eraygaani waxa uu badalayaa dareemaheeda, waxa ay ka dhigeysa xaalada mida ugu fiican.

*Si naxariis ay ku jirto timaha wajiga ka saarma marka ey kula hadleyso si tartiib ah uga qaad.

*Farahaaga uga tir ilinta indhaheeda ka timaada haddii ay wax ku dhacaan sidaa daraadeedna ay u ilameyneyso.

*Haddii ay dhacdo in jiifka ay kaaga hormarto oo ay gasho qolka jiifka, ha ku deg-degin durba yara sug, si tartiib ah u gal , haka kicin si naxariis ah ugu dabool go`a ama bustaha isla markana si naxariis leh u dhunko.

*Haddii saaxibadaada aadan la aqal galin oo Jaceylka bartanka kaga jirtaan, marka ay seexato u qor fariin Jaceyl ah si marka ay soo toosto ay u aqriso .

*Haddii ay dhacdo in aad ka soo hor kacdo subixii ha sugin oo fadlan quraac yar oo macaan u kari, deedna miiska fadhiga ugu diyaari.

*Marka ay cuntada kuu keento u mahad celi kuna dheh “waad cuno macdahay” iwm, adiga oo sii dhunakanaya gacanteeda.

*Marnaba haka caajisin in aad caawiso oo aad u yara foorarsato marka ay xeraneyso kabaha oo xariga kabaha u toosi, adigoo indho dabaacsan kor ugu soo eegaya.

*Marka aad wada daawaaneysaan Tv-ga ama Filim oo aad aragto in uu si wacan ugu socdo , si tartiib ah u istaag isla markaana galaas biyo qaboow u keen oo kaga nixi.

*Marka aad shaqada ku maqan tahay mar ama laba mar la soo hadal kuna dheh waan kuu xiisay qaali.

*Haddii ay dhacdo in gaarigiina qof sedexaad uu idinla raaco iyana ay fariisato qeybta dambe si naxariis leh indhaha kaga xad muraayada gaariga una iljibi adiga oo indho Jaceayl muujianaya .

*Habeenada ay daalan tahy si naxariis leh u istaag oo jirka kariim ka mari adiga oo erayo dabacsan kula hadalaya oo xabeeb ay ku ajirto .

*Dhunko gacmaheeda una muuji in ay tahay nimco uu Allaah ku siiyay.

*Si tartiib ah ku dheh wan ku jeclahay adiga oo dhagteeda u dhawaanaya isla markaana fiiro dabacsan ku eeg .

*Hadiyad ay ku jirto waraaq erayo macaan oo Jaceylka aad u qabto muujinaya aad ku soo dhex riday una geey .

*Si dabacsan uga dhunko wajiga iyo dhabanka ka dib jirka qeybihiisa kale .

*Ugu yeer erayo macaan , iyo magacyo cusub oo aan aheyn keedii hore sida Xabiinteyda , qaali, xayaatal qalbi.

*Ula baxa booqasho baashaal isla maarkaana indhaha uun kala hadal in muddo ah dhoola cadeaynna sii raaci , gacmaheda qabo inta aad sheekada u hayso.

*Marka aad asxaab kale la joogtaan si gooni ula bax xaaskaaga si hoosana ugu sheeg adiga oo dhagta afka u saaraya kuna dheh in ay tahay qofka ugu qurxoon waxa meesha jooga.

*Marka aad suuqa kawada adeeganeysaan istaaag adiga oo dhoola cadaeyna kuna dheh (in badan ayaan ku faraxsanahaya in aad tahay xaaskeyga).

*Sawirkiina aqal galka meel wacan ka sur giriga oo ay ka arki karto waayo waxa uu siinaya daremo adag oo ku adaan munaasabadii guurkiinii.

*Inkastoo xitaa sanado badan ay ka soo wareegatay guurkiina marnaba ha ugu yeerin xaaskeyga.

*Haddii ay awooda ku siiso isbucii hal habeen ka soo wada casheeya baararka waa weyn iyadoo markaasi idin shidan yahay shumac

Sample Photo 6

Sawirka Kore waxaa idinkaga muuqda Cartoon ay soo sameeysay Dawlada Danmark, oo Ay ku aflagaadeey nayaan Mohamed (S.C.W) marka walaalayaal waa Waqtigii Ay ku habooneyd in aan is garawsano oo aan Dad midaysan ka noqono Yahuuda Iyo Masiixiyiinta, Maanta Islaamkii ayaa kala Go'go'an, Runtii Dawlada Dhabta ah ee maanta jirta ee Islamka Ah waa Dawlada Al-Qaida Ee Joogta Af-kanistaan, Waxaan Kale Waxay Noqdeen Damiir Laawayaal ubadan Boqortooyo, Illahay Wadnaha Gooyey walaalayaal Ururka Xamaas Waxa uu Kuguuleeystay 75% Codkii laga qaaday Palastine, Reer Yurub, Yahuud Iyo Maraykan waxay dheheen Aqoonsan Meyno, Waa Yaab, Aaway Islamkii, Hada Dalkaan Sacuudiga ee aan joogo waxay kala soo baxeen safiirkii ka joogay Danmark, Lakin Ninka wax sawqiray haduu ahaan lahaa Maraykan ama Igiriisa Kala aysan soo baxeen way ka doodi lahaayeen bas, kadibna waa la sab sabi lahaa oo kaliya, Iloow islaamka Mideee. Oo Gacan Duuban Kayeeeeel.

Halyeeyga Islaamka Osama Bini Ladin,

Neyroobi: Abdirizak “Naftayda ayaan ka jeclahay..Jirkeyga oo aan u jar jaro waxaa iiga xun in aan nafteeda waayo†{DAAWO SAWIRADA}.

jaceyl dartiis wax walbo waa la arkaa

jaceyl dartiis wax walbo waa la arkaa


Iyadoo dhibkaasi idil uu maray abdirizak hadana waxa uu ii sheegay in ay ka go`an tahay in uusan quus dhigin uuna aaminsan yahay in mar uun ay wax isbadli doonaan taasi oo micnaheedu u gartay in maalin uun uu wehel helo doono .
abdirizak xanuunkaani Jaceyl ka sokoow waxa uu ka dhexlay in uu mu`alif geeraar noqdo iyadoo uu sameeyay geeraaro badan oo iminka dadka kusugan maleysia isugu diraan Mobailka sida :
Tiro dumar la soo xulay tii ugu jirtay aya tahay ,timir` iyo tufaax canab talaalan ayaa tahay
Ubax talaalan fiid soo tarmata ayaa tahay,Talisadii haweenka iyo tiirkii noloshaa tahay.
Nafta wax ay ku taliso taladaadaa u horeysa , Isha waxa ay ku qaboowdaa aragtidaada,
Iyo waliba geeraaro kale oo halkaan lagu soo koobi karin .
Abdirizak ayaa muujiyay in dhibaatooyin badan uu ka qaaday Jaceylkaani xanuunka badan sida feker xad dhaaf iyo bulshanimadii oo ku sii yaraaneyso iyadoo uu sheegay in Jaceylkaani oo u qorsanaa uu ahaa mid dhanka dalka Kenya ku soo bilawday muddo haatan laga joogo sedex sano .

 

jaceyl
abdirikaz ayaa haatan muujiay in uu talo iyo tusaale ka sugayo aqrisatayaasha , iyadoo dhanka kale uu ku booriyay dhalaanka soomaaliyeed in ay ka fogaadaan sameyn Jaceyl been ku saleeysan , isla markaana loo baahan yahay in kalsoonida iyo jiritaanka Jaceylka la dhowro .
Waxaana xusid mudan in sida uu ii sheegay Abdirizak in aan laga aqoon africa qadarinta Jaceylka iyo waxa la yiraahdaba iyadoo laga yaqaan Bacda Madoow mawadaa macane ha igaso ilowin jaceyl wa intaas kajira africa ayuu yiri dhibane Abdirizak
Inkastoo uusan abdirizak ka marneyn hadana waxaa u sii dheer in Jaceyl xanbaarsan yahay inakstoo uu cidla dareemayo , waxaana iminka loogu yeeraa Aabaha Jaceylka maadaama halkaan Jaceylka looga qoslin.

ilaahow caafi

ilaahow caafi


Cidii dooneysa talo iyo tusaale in ay siiso dhibanayasha hakala xariirto