WAA CIWAAN UU IDIIN DIYAARIYEY YASIN JUUFE
Waa Website lagu soo bandhigo arimo kala gadisan sida Diini iyo Maadi intaba

Yaa Rabi casiis

Yaa Rabi Aqbal towbadiisa

Rabiyoow U Naxariiso manta
oo u Dambi dhaaf umadaada
WAA MAAH-MAAHAHA AFKAAGA HOOYO EE BARO BOOWE
Maahmaahda Qaybta "A" ka Kacda
1. Aadme la aragyaaba, dhib la arag.
2. Aan wada hadalno waa aan heshiino.
3. Aar qoyey dacawo la mood.
4. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
5. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh,
mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
6. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.
7. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki.
8. Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh.
9. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa
10. Aburku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
11. Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa.
12. Abuur iyo waano abuur baa horreysey.
13. Adduun i khatal.
14. Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id.
15. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.
16. Adhi jiri ma kala abaal waydo.
17. Adhi jiri xil bay wadaagtaa.
18. Adhi magantii ma barriiyo.
19. Adhi shidho laga daayo.
20. Adhi-jiri ma kala abaal weydo.
21. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
22. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.
23. Aduun wey ki amoodeey ogaaw.
24. Af aamusani marti ma sedo.
25. Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa.
26. Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.
27. Af aanad lahayn lama qabto.
28. Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha ku daaqdo.
29. Af daboolan dahab.
30. Af Daboolan, Dahab waaye.
31. Af hadlaaba aamus.
32. Af jabtay sideedii ma noqoto.
33. Af jooga looma adeego.
34. Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
35. Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa.
36. Af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa.
37. Af waa kane, maxaa lagu aamaa
38. Af wax cunay xishoo.
39. Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).
40. Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.
41. Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
42. Af-ka nool abooto mudac.
43. Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.
44. Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa.
45. Afkii dab yiri ma guban.
46. Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto.
47. Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog.
48. Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.
49. Alla aamin ma iisho.
50. Alle watow wehel uma baahna.
51. Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin
52. Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
53. Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe
54. Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh.
55. Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.
56. Ammaan lama dhu-dhumiyo.
57. Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
58. Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa.
59. Amxaar la arag yaaba ferenji xaaji.
60. Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha.
61. Aqal libaax lafo lagam waayo.
62. Aqoon la'aani waa iftiin la'aan.
63. Aqoon xumo abaar ka daran(qorsho xumo abaar ka daran)
64. Arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh.
65. Aroos lagama raago, lagumana raago.
66. Arrad waa dan uskagse waa doqonniino
67. Arrimo rag waa mudacyo afkood.
68. Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato.
69. Arrin kaa tagtat Ahaa sooma celiso.
70. Arrin waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday.
71. Arrin xumo abaar ka daran
72. Atoorku intiisuu guun ku yahay.
73. Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan.
74. Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun.
75. Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay
76. Awrka danbe awrka hore socodkiisuu leeyahay.
77. Ayax teg eedna reeb
78. Ayaydaa taag darran iyadoon tabar lahayn bay dadka isku taagtaagi.
711. Ood is qabsatay maroodina way qarisaa.
712. Ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto.
713. Ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn
714. Oodi siday u kala sarreeysaa loo kala guraa
715. Oodo dhacmeed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa.
716. Qaadis iyo jiidis waa isla guryo geyn.
717. Qalbigu laba ruux ma wada qaado.
718. Qawl nin wayn ka dhacay waa qolof geed ka dhacday.
719. Qaybshe qad ama qaaday.
721. Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto
722. qof caashaq hayaa wax ka calaancal badan(C)
723. qof nool oo ku hortaagan lagama quusto.
724. qof walba qumanihiisaa qoorta ugu jira.
725. qof waliba wuxuu dhigtuu dheeftaa.
726. Qof waliba intuu cunuu ciidamiyaa
727. qofkii aragiisu ku deeqaa oontiisuna ku deeqdaa.
728. qoryo adistooda isku duwis baa horreysa
729. qosol badani qoonsimaad noqoy.
730. Qosol hiil leh.
731. Qosol qoonsimaad noqay.
732. Qufac iyo uur midna ma qarsoomo.
733. qunyar socde qodaxi ma mudo.
734. Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga.
735. quud aan jirin qoryo u guro.
aa.
736. Ra saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan.
737. Raad arrooryo dib looma raaco.
738. rag gar baa kala saarta dumarna jaan(c)
739. rag hunguri buu isku raacaa.
740. Rag jidiin baa walaaleeya.
741. Rag la'aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha.
742. rag qawl baa xidha dumarna meher.
743. rag sadex lama raaco, ma fakere,ma faaidayste,ma foorarsade.
744. rag waa arin keen iyo aqbalkeen.
745. Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi
747. rag waa shaah dumarna waa sheeko.
749. Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa.
750. rag waxa ugu faan badan mar dhoof iyo mar duul.
751. rag waxa ugu liita ciil kama baxe iyo calooshiisa la ciyaare.
752. rag waxa ugu liita looma maahmaahe, looma sheekeeye, looma soo gale.(c)
753. rag waxa ugu liita, ma hadle ma heenseeye, ma haasawshe(C)
754. Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa.
755. ragi sadex bay ku kala baxaan , wax tegay ka hadhidii, wax jooga ka hadalkii, wax soo socda ka haloosigii.
756. ragu sadex waa iskaga mid. Magaca, magta iyo maganta.
757. ragu waxa uu ka sheekeeyaa biiisa dumarkuna badhaadha hooda.
759. Reer ba'ow yaa ku leh!
760. Reer guura raac iyo carruurba loo kala sheekeeyaa, is mase arkaan.
761. Reer, naagbaa kaa raacda.
762. Reerka meelan loo husan looma haatiyo.
763. ri waalan ridaada laguma xidhto
764. riyuhu lugtooday shalan ku doontaan.
765. roob magaalo ku hooray ramaas soo bixin maayee laamiguu ku raftaan.
766. run iyo ilkaba waa la cadeeyaa.
767. Runi rag kama nixiso
768. ruux aan geeri iyo nolol midna ahayni/ ma dhiman mana noola.
769. ruuxba dhiishuu ruxduu caanaheeda dhamaa
Qodobo Ku Saabsan Waxa Ay Diinta Islaamka Ka Qabto Guurka Iyo Waxraekiisa Adinkoo Ka Heli Doona Xog-dhamaystiran Insha Allah
GOGOLDHIGGA GUURKA
GUURKA IYO MOWQIFKA DIINTA
Guurku diinta waa u gargaar, shaydaanka waa u gablan iyo hoog, waana gaashaan adag oo cadowga Eebbe laga galo, waxaana ku badata ummadda Islaamka si ay ula tartanto ummadaha kale.
Eebbe waxa uu Aayaddiisa Qur’aanka ah ku leeyahay:
(U guuriya xaaslaawayaasha idinkamidka ah iyo addoomadiinna kuwooda wanwanaagsan “rag iyo dumarba”. Hadday sabool yihiin Eebbe asagaa deeqdiisa ku hodminaya, Eebbana waa kii deeqdiisu dadka ku wada aaddo, cid walbana duruufteeda ka warqaba.). Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) waxaa laga weriyey inuu yiri: (Isguursada oo tarma ummadaha ayaan idinkugu faanayaa maalinta Qiyaamaha eh). Cumar (RC) waxa uu dhihi jiray: (Waxaan u guursadaa saan wiil u helo), ibnu Mascuudna waxa uu oran jiray: (Hadday cimrigeyga toban beri oo keliyihi ka harsan tahay waxaan jeclaan lahaa inaan guursado, si aanan Eebbe uga hortegin anigoo doob ah). Saxaabigii Mucaad Ibnu Jabal daacuun baa ku dhacay, laba xaas oo uu qabayna ka dilay, markaasuu yiri: (War ii guuriya, ma jecli inaan Eebbe la kulmo anoo doob ahe).
Qofkaan haddaba guursan karin sabab kastaa ha kalliftee, waxaa habboon inuu is ilaaliyo intuu faraj khayr qabaa uga furmayo. Eebbe waxa uu leeyahay:
(Ha dhowrsadeen kuwaan awood guur heli karaynin intuu Alle deeqdiisa kaga hodminayo). Ibnu Mascuud waxa uu Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) ka weriyey inuu yiri: (Ninkii awoodi karaa ha guursado maxaa yeelay guurku aragga waa u dabool ibtana waa u gaaashaan. Ninkaan awoodi karinse ha soomo, soonkaa kacsiga ka bi’inayee).
FAA’IIDOOYINKA GUURKA
Guurku waxa uu leeyahay shan faa’iido oo kala ah:.
1- Ubad kaa hara:- Faa’iidooyinka guurka tan ugu horreysaa waa sidii lagu heli halaa ubad, si aanay tafiirta dadku u dabar go’in. Ubad dhalistu waa inay yeelataa afar ulajeeddo oo kala ha:
- Inaad ku doontid raallinimada Eebbe, maadaama aad gacan ka geysanaysid siday tafiirta dadku kusii socon lahayd.
- Inaad ku doontid raallinimada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) kol haddaad ku kaalmeyneysid siduu ummadaha kale tirada ummaddiisa ugu faani lahaa.
- In Eebbe ku siiyo ubad khayr qaba oo kuu soo duceeya kolka aad dhimatid.
- Inaad ku doontid shafeeco kolka ilmo yari kuu saqiiro.
2- Dhufays aad ka gashid Shaydaanka:- Guurku waxa uu kaa oodaa meeluhuu shaydaanku kaasoo gelayey, mar hadday wuxuu xaaraan ku raadi ku lahaa rugtaada kuu yaallaan iyagoo xalaal ah. Qofku hadduusan Eebbe ka cabsi iyo iimaan ku hubaysnayn, rabitaankiisa kacsi ayaa hor kaca, haddii markaasi aanu helin guur xalaal ah, siduu dembi isaga ilaaliyaa way adag tahay.
3- Qalbigoo kuu dega iyo laabtoo kuu qabowda:- Shaqo tay naftu u jeceshahay haddaan loo helin waqti nasasho, waa lagu daalayaa dabeetana la’iska deynayaa. Haddaba maxaad ka oran lahayd hadday shaqadaasi tahay taqwada Eebbe ooy iyada iyo naftuba isdiidayaan!. Saacadaha uu ninku ku hawlan yahay cibaadada Alle iyo camalka adduunyo, waxaa habboon inuu dhexgashado waqti uu xaaskiisa kula baashaalo, si qalbigu ugu dego, laabtu ugu qabowdo firfircoonaanna uga qaado.
4- Hawshii guriga oo hoggaankeedii kaa wareego:- Ninka oo ka xorooba maamulka guriga sida hagaajintiisa, xaaqistiisa, goglistiisa, cunto karinta iyo diyaarinta, alaab dhaqista, suuq kasoo adeegga, iwm., waxay siisaa waqti dheeraad ah oo uu ku shaqaysto, wax ku barto, Eebbena ku caabudo. Rasuulkeenna suubban (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis uu soo saaray Tirmidi ku leeyahay: (Midkiin ha yeesho qalbi Eebbe ku mahadin og, carrab Eebbe xusid badan iyo haweeney mu’minad suubban ahoo Aakhiradiisa ku kaalmeysa). Haddaba dumarka looma guursado oo qura in adduunyada lagu raaxaysto, carruurna laga daadiyo, balse yoolka ugu muhiimsani waxa weeye inay kuu abuuraan waqti iyo jawi aad Eebbe ku caabuddid.
5- Nafta ood kula dagaallantid daryeelka qoyska:- Nafta ood ku jara-bartid qaadista mas’uuliyadda reerka, daryeelkiisa, gudashada waajibka kaa saaran xaaskaaga, dabeecaddeeda ood ugu samirtid, dhib wixii kaaga yimaada ood u dulqaadatid, hanuuninteeda ood u hawlgashid, dadaal aad u gashid sidaad marasho iyo masruuf xalaal ah ugu keeni lahayd, carruurta ood ku tarbiyeysid waddada toosan, iwm.Waxaas oo dhami waxay kamid yihiin faa’iidooyinka guurka, tiiyoo weliba ajar iyo xasanaad Eebbe kaa siinayo. Nabigeennu (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis ku leeyahay: (War hooya gebigiin waxaad tihiin Qawsaarro, qawsaar walibana waxa uu mas’uul ka yahay wixii la raaciyey). Waxaa la sheegay in raggii hore ee suusuubbanaa mid kamid ahi uu niman walaalihii ah ooy jihaad ku wada jireen weydiiyey: (Ma garanaysaan shaqada aynu hadda hayno mid inooga ajar badan?). Markaas bay yiraahdeen: (Ma garanayno). Suu yiri: (Anaa garanaya). Markey weydiiyeenna waxa uu ugu jawaabay: (Nin sabool ahoo ciyaal leh, ha yeeshee aan cidna wax weydiisan, oo intuu cawa-barkii toosay oo reerka indha-indheeyey arkay carruurtiisii oo hurudda cawradooduna bannaan tahay, dabeetana ku huwiyey go’ii uu keligii dhar ka lahaa, kaas baa naga camal wanaagsan).
CAQABADAHA GUURKA
Waxaa jira caqabado (dhibaatooyin) ama is hortaaga guurka amaba laf ahaantiisa ka dhasha, waxaana ugu muhiimsan saddexdaan:
1- Awood-darri dhaqaale:- Dhaqaale xumadu waa aafada ugu weyn ee ka hortaagan rag badan inay guri xalaal ah degaan, gaar ahaan sicir bararka iyo awood iibsasho yaraanta xilligaan jirta dartood.
2- Mas’uuliyadda qoyska ood qaadi weydo:- Rag badan baan xamili karin gudashada xaqa ay dumarkoodu ku leeyihiin, iyaga oo ugu sabri waaya dabeecad xumadooda, uguna dulqaadan waaya dibindaabyaday la yimaadaan. Rasuulka suubban (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu leeyahay: (Qofka waxaa dembi ugu filan inuu dayaco kuwii loo xilsaaray daryeelkooda). Waxaa la weriyey in ninka ka cararaa ciyaalkiisu uu lamid yahay nin Eebbe ka cararay, lagamana aqbalo Salaad iyo Soon toona. Eebbe waxa uu Aayaddiisa ku leeyahay: (Ka dhawra naftiinna iyo ehelkiinna Naar shidaalkeedu yahay dad iyo dhagxaan). Sidaas buuna inoogu amrayaa in aan xaaska uga ilaalinno Naar isla sida aan nafteenna uga ilaalinayno, waxaadna halkaasi ka garan kartaa in ninku kolkuu guursado ay labanlaabmayso mas’uuliyaddii saarrayd, ayna xakamayn ka rabaan laba nafood, kiiyoo awalba kari la’aa hal naf xakamaynteed. Waana taasi ta kalliftay rag badan oo saalixiin ahi inaanay guursan, iyaga oo kabiqi jiray Aayadda oranaysa: (Waxay wanaag ku leeyihiin inta iyaga lagu leeyahay oo kale), Micnaha Aayaddu waxa weeye: (Haweenkiinnu masruuf bay idinku leeyihiin, marashay idinku leeyihiin, meel ay degaanna way idinku leeyihiin, iyo weliba inaad ugu raaxaysaan sida aad jeceshihiin inay idiinku raaxeeyaan).
3- Cibaadada oo uu kaa carqaladeeyo:- Dhibaatooyinka ka dhasha guurka waxaa kamid ah isagoo kugu dhaliya ka feker adduunyo, iyo inaad meherad ka dhigatid ubad iyo maal aruurin. Waxaa la hubiyey in nin lug haween bartay ay ku adagtahay inuu waqti u helo cibaado Eebbe. Ha yeeshee taa micneheedu ma aha in labada mid la tuuro, balse waa in guntiga dhiisha la’isaga dhigo sidii labada daarood la’isugu keeni lahaa. Gaar ahaan waxa uu guurku waajib ku yahay qofkaan naftiisa liijaan ku qaban karin oon xaaraan iska ilaalin karin.
Haddaba cidda keliya oon isleennahay guur la’aanta ayaa u roon waxa weeye ninkaan saddexdaasi aafo ka badbaadi karin, kana baqaya mas’uuliyad dheeri ah oo uu Naar ku mutaysto, ha yeeshee naftiisa xakamayn kara oo ka dhawri kara xaaraan kaga timaada araggiisa iyo ibtiisa. Ninka caynkaasi ah waxa u wanaagsan inaanu guursan, si aanu Aakhiradiisa ugu doorsan Adduunyo.
GACAL DOORASHADA
Diinteenna Islaamku waxay ina baraysaa in haweeney afar waxyaabood lagu guursado, kuwaasi oo kala ah: qurux, qoys sharaf leh ooy ka dhalatay, maal iyo diin. Haddaba haddaynu mid mid u kala qaadno:
1- Qurux: Quruxdu inkastoo ay tahay shabagga ugu horreeya ee ay dumarku ragga u daadiyaan, misana diin iyo akhlaaq haddaanay dugsanayn, intay halleyso ayaa ka badan waxay hagaajiso, waxana weeye wax da’ ku xiranoo qofka aan ku daahin. Waxaa la yiri quruxda keligeed ahi waa sida bal cagaaran oo intaad u bogto aad xoolaha ku deysatid, kolkeyse daaqaan ay ku banaan (shubmaan) oo bushi uun ka qaadaan.
2- Qoys sharaf leh: Waa wax loo baahan yahay in dad la garanayo oo magac iyo maamuus leh laga guursado, waana kii uu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) yiri: “U doorta xawadiinna, cirqigu waa uu dusaaye”. Xadiiska oo uu soo saaray ibnu Maajah, micnihiisu waxa weeye dadnimo wanaagga waa la’iska dhaxlaaye, hubiya qofka aad guursaneysaan amaba u guurineysaan inuu qoys wanaagsan ka dhashay. Ha yeeshee, illayn qoyska dhan guursan maysidoo qof baad ka guursanaysaaye, sideed ku dammaanad qaadaysaa inay qoftaasi noqon doonto tii lagu nastoo lagu nagaado, haddaanad akhlaaq iyo diin ka eegin?.
3- Maal: Ninkii gabar maalkeed “oo qura” u guursadaa, ma uu doonayo gabadhee maalkeeduu doonayaa, ayada lafteeduna waxay u aragtaa nin ay iibsatay. Waxaa hore loo yiri: Ninka waxa wanaagsan inuu gabadha uu guursanayo saddex dheer yahay: da’ iyo nasab iyo duunyo, si aysan u yasin. Gabadhana waxa wanaagsan ninka ay guursanayso inay saddex dheer tahay: samir iyo edeb iyo suurad wanaag, si uusan u yasin.
4- Diin: Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis saxiix ah ku yiri: (Naag waxa loo guursadaa maalkeeda, quruxdeeda, sharafteeda iyo diinteeda, ee ta diinta leh gaar gacmaha ciid gashee). Gabadha diinta lihi waa tan garanaysa siday u gudan lahayd xaqa uu ninkeedu ku leeyahay, siday u dhawri lahayd asraarta gurigeeda iyo nafteeda, siday isaga ilaalin lahayd masayr, carruurtana ugu barbaarin lahayd tubta toosan.
Haddaba, maadaama ay adagtahay sidii lagu heli lahaa haweeney afarta sifo ee aannu soo sheegnay isku darsatay, waxaa habboon in xoogga la saaro qof diin leh, hadday markaasi qurux iyo qoys wanaag ku darsato waa Alxamdu Lil-Laahi, hadday maalkeeda sidatana waa Rabbil-Caalamiin.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaad mooddaa in dabeecadda raggu dalkay doonaanba ha u dhasheene tahay inay gabadha bilicsanaanteeda iyo muuqaalka bedenkeeda ku daba galaan, intaanay u daadegin diin iyo dabeecad kale. Hadday markaasi diin iyo dabeecadi u dheer yihiin, ninka daa’in ka baqayaa waa tuu doonayey, kii kalee damackatiir ahe xoolo daneeyaase quruxda wuxuu ku daraa inay dad magac iyo deeq leh ka dhalatay.
SOOMAALIDA IYO QURUXDA
Soomaalidu waxay tiraahdaa: (hadday naagi siddeed iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay, asay gabar tahay, guurkeeda sina looma daayo). Sifooyinka ay tilmaamaanna waa sidatan:-
- Afar ay u dheer tahay: labada gacmood, timaha iyo qoorta.
- Labay u dhuuban tahay: qoorta iyo dhexda.
- Afar ay dhumuc u leedahay: labada kub iyo labada cududdood.
- Afar ay u caddahay: labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab.
- Afar ay u madowdahay: labada indhood wiilkooda iyo labada sunniyood.
- Afar ay deeb u leedahay: labada dibnood (bushimood) iyo labada mudane (Naasaha caaraddooda).
- Labay u shuban tahay: labada dhaban.
- Hal ay u buuxdo: shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato.
- Hal ay u qoran tahay: waa sanka.
Lix iyo labaatankaas sifo araggay ugu qurux badan tahay, labana maqalkooda ayay dheguhu ku raaxaystaan, waana qosolkeeda iyo codkeeda macaan.
CARABTA IYO QURUXDA
Soomaalida oo keliya ma aha, ee carabta lafteedu waxay tiraahdaa: (Naag wanaaggeed ma dhamaystirna haddaanay afar u caddayn, afar u casayn, afar ciriiri u ahayn, afar u carfayn, afar u madoobayn, afar u weynayn, afar u koobaabnayn, afar u ballaarrayn, afar u jilicsanayn, afarna u yarayn). Afarreydiina waa sidatan:-
- Afar ay u caddahay: indhaha, ilkaha, ciddiyaha iyo midabka.
- Afar ay u castahay: carrabka, ciridka, dhabannada iyo dibnaha.
- Afar ay ciriiri u tahay: sanka, dhegaha, xuddunta iyo cambarka.
- Afar ay u carfayso: sanka, afka, kilkilaha iyo cambarka.
- Afar ay u madowdahay: sunniyaha, timaha, indhaha wiilkooda iyo baararkooda.
- Afar ay u weyn tahay: joogga, garbaha, feeraha iyo barida.
- Afar ay u wareegsan tahay: madaxa, indhaha, cududdada iyo kubabka.
- Afar ay u ballaaran tahay: foolka, indhaha, shafka iyo cajarrada.
- Afar ay u yar tahay: dhegaha, cagaha, afka iyo calaacullada.
- Afar ay u jilcan tahay: sunniyada, sanka, dibnaha iyo dhexda.
INANTAADA U AWR DAYO
Waxaa loo baahan yahay inantaada iyo walaashaa inaad u doortid nin diin iyo akhlaaq leh oo ku dhaqmaya waxyaabaha ay diintu farayso, kana fogaanaya waxyaabaha ay ka reebeyso.
Waxaa la yiri nin baa nin kale weydiiyey: (War heedhe inan baa ii joogtee yaan u guuriyaa?). Saa kii kalaa ugu jawaabay: (Nin daa’inkii ka biqi og u guuri, maxaa yeelay hadday deeqdana asagaa daryeeli og hadday ka daadegi weydana ugu yaraan ma uu dulmin doono).
Waxa kaloo la yiri: Nin dadkii hore ee suusuubbanaa kamid ah baa doonay inuu inantiisa u guuriyo, markaas buu la tashi ugu tegey nin ay deris ahaayeen oo Majuusi ah (Dabka caabuda). Majuusigii oo yaabban baa yiri: (Dadoo dhami adayba adduun iyo aakhiro kaa wareystaane maxaad aniga iweydiinaysaa oon kugu war dhaamaa?). Markaas buu ninkii Muslinka ahaa yiri: (Iska daaye, ila taliyoo yaan inantayda siiyaa?). Majuusigii baa markaa yiri: (Madaxweyneheennii Kisra xooluu dooran jiray, madaxweynihii Ruum Qaysarna qurux buu dooran jiray, Carabina nasab iyo qabiil bay dooran jirtay, madaxweynihiinnii Maxamedna diin buu dooran jiraye, bal adigu go’aan ka gaar ciddaad ku dayan lahayd).
QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIB
Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen: Saciid ardadiisa waxaa kamid ahaa nin la oran jiray Cabdullaahi bin Abii-widaacah. C/Laahi dhawr maalmood buu dersiga ka maqnaaday, sheekhuna ardada ka dhex tebay. Maalintii dambe kolkii loo sheegay in sheekhu doondoonayey buu u yimid. Markuu salaamay buu sheekhu weydiiyey halkuu maalmahan ku maqnaa. “Xaaska ayaa iga jiranayd oo aan la joogay, haddase way dhimatay oo waaban soo duugay” buu C/Laahi ugu jawaabay. “Maxaad jirradeeda noogu soo sheegi weyday aan booqannee, amaba geerideeda aan waxka duugnee?” intuu ku yiri oo u tacsiyeeyay, xaaskii geeriyootayna u duceeyay, buu dabeeto ku yiri: “C/Laahiyow guurso, Eebbena ha hortegin adoo doob ah”. “Yaa sheekhow gabar isiinaya!, Wallaahi baan ku dhaartaye Afar dirham baa xoolo iga dhaca”. Sheekhii baa markaa yiri: “Subxaanallaah, miyaanu muslimku afar dirham ku dhowrsan karin!”, una raaciyey “Anaa inan kuu guurinaya hadaad raali ka tahay”.
C/Laahi bin Widaacah oo isaga laftiisu sheekada ka sheekeynayaa waxa uu leeyahay: Markaas baan xishood iyo darajayn dartood uga aamusay. “Maxaad u aamustay? ma inantaydaan kuu cuntamayn?”. “Eebe hakuu naxariistee maxaad saa u leedahay haddaad doonto gabadhaada kumanaan dirham baad ku guurin kartaaye” baan ku iri. Markaas buu sheekhii yiri “Waa runtaa, balse iska daayoo shuhuud u yeero”. Shuhuud baan markaa u yeertay, waxaana gabadhii la igula mehriyey Afartii dirham, halkaana lagu kala faataxaystay.
Kolkaan Salaaddii Cishaha tukannay baan anigu gurigeygii iska aaday, waana tanoo ninbaa iridkii aqalkeyga garaacaya. “Waa kuma?”. Qofkii iridka garaacayey baa yiri: “Waa Saciid”. Ilaah baan ku dhaartaye waxaan Saciidyo magaalada ku aqoon jiray waan soo wada xusuustay aan ka ahayn Saciid bin Al-Musayib, maxaa yeelay weligey maanan arag asagoo gurigiisa ka baxaya, inuu Salaad Masjidka ugu socdo ama meyd wax kasoo aasayo maaha eh. Markaas baan iri: “Waa Saciidkee?”. “Saciid bin Al-musayib”. Jirkayga oo dhan baa halmar jareeyey, waxanan is iri: “Armuu sheekhu ka shallaayey inantuu ku siiyey oo kuu cudur daaran rabaa”. Markaas baan anoo cagajiid ah iridkii furay, saa waa gabar dadaboolan, faras alaabi ku raran tahay iyo adeegto cad. Sheekhii intuu isalaamay buu yiri: “C/Laahiyow waatan naagtaadii”. Markaas baan si yare xishood ku jiro u iri: “Alle hakuu naxariistee, maxaad ayaamo ugu kaadin weydey”. Suu yiri: “Sabab!”, kuna daray: “Sow ima oran afar dirham baan haystaa?, mise waxaad dooneysaa in Eebbe iyiraahdo maxaad ninka habeenkaa doobnimo ugu dhaaftay adoo xaaskiisii haya. Waa taa naagtaadii waana taa alaabadiinnii, waana taa gabar idiin adeegta iyo kun dirham ood masruufataan. C/Laahiyow amaanada Eebbe iga guddoon. Waxan dhaar kuugu marayaa inaad iga guddoomaysid gabar Soon iyo Salaad badan, Kitaabka Eebbe iyo Sunnada Rasuulkiisana aqoon badan u leh, ee Alle kaga cabso, aniga darteeyna ha uga xishoon ee haddaad wax aadan jeclaysan ku aragto intaad edbiso gacanteyda kusoo sin”. Waanu sii dhaqaaqay.
C/Laahi waxa uu leeyahay: Wallaahi baan ku dhaartaye weligey ma arag naag ka aqrin og Kitaabka Alle, kagana aqoon badan Sunnada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam), kagana cabsi badan Allihii abuurtay, waxanay ahayd mas’alada culimada wareerisa ta jawaabteeda la weydiiyo.Mar kasta oon Saciid is aragno waxa uu iweydiin jiray: “Qoftii say tahay?” markaas baan dhihi jiray: “Waa nabaddeeda”.
Kedib markay gabadhii wiil iidhashay baan maalin anigoo suuqa u baxay waxaan soo laabtay islaan aanan weligey arag oo aqalka dhex fadhida. Ka noqo markaan islahaa bay xaaskaygii tiri: “Soo gal C/Laahiyow, waa qof araggeeda Eebbe kuu banneeyaye”. Markaas baan weydiiyey: “Tumaad ahayd, Alle hakuu naxariistee?”. “C/Laahiyow gabadhaan hooyadeed baan ahaye maxaad kala kulantay?”. “Khayr Alle haydinka siiyo, si fiican baad u tababarteen una edbiseen”. “C/Laahiyow annaga ha noogu danayne haddaad xumaan ku aragtid edbi, waxaan nafteeda ka ahaynna adaa leh, dhoola caddayntana haka badin yaanay ku dhayalsane. Eebe haydiin barakeeyo dhallaanka cusub, ha ka dhowro Shaydaan, hana kadhigo mid Alle ka cabsi badan sidii awoowihii. Wallaahi baan ku dhaartaye Afartan (40) sanadood oon isqabnay ma aanan arag maalinna asagoo Allihiis ku caasinaya, lacagtaana asagaa idiinsoo dhiibaye qaata”.
Cabdullaahi waxa uu leeyahay: “Waan ka qaatay lacagtii,waxayna ahayd Shan diinaar, siday islaantii markaas nooga baxdayna siddeed iyo toban sanadood wejigeeda dib uma aanan arag ilaa geeriyi na kala geysay”. Dhammaad qisadii Saciid bin Al-Musayib.
ISKA EEG INANTA INTAANAD GUURSAN
Ninku kolka uu xulanayo tii nolol la wadaagi lahayd, diintu waa ay u oggoshahay inuu iska eego, ha yeeshee su’aasha meesha ku jirtaa waxa weeye: (Intee in la’eg buu ka eegi karayaa jirkeeda?).
Waxaa layiri: Cumar binu Khaddaab (RC) ayaa weydiistay Cali bin Abii Dhaalib (RC) inuu siiyo gabadhiisa Ummu Kaltuum markaas buu Cali (RC) ku yiri: “Cumarow gabadhu way yartahay, balse waan kuu soo dirayaaye aragoo haddaad raalli ka noqoto waa naagtaada”. Markaas buu gabadhii intuu maro usoo dhiibay ku yiri Amiirul-mu’miniinka ugee, oo ku dheh aabbe wuxuu ku yiri: “Waa tii aan kuu sheegayey”. Intay Cumar u tagtay bay maradii u dhiibtay, ereyadiina u sheegtay. Cumar (RC) baa markaa ku yiri :“Usheeg aabbahaa raali baan ka nahaye”. Markay bax is tiri oo sii jeesatay buu Cumar (RC) kubabkeeda marada ka qaaday. “Yaaaa, haddaadan Amiirul-Mu’miniin ahaan lahayn ishaan kaa dharbaaxi lahaa” bay ayadoo xanaaqsan intay tiri kasii dhaqaaqday. Kolkay aabbeheed ku noqotayna waxay kutiri: “Waxaad ii dirtay odoy xun oo saa iyo saa igu sameeyay”. “Maandhay waa ninkaagii” buu Cali (RC) hadal kusoo gooyay.
Culimada diinta intoodii badnayd waxay isku raaceen inuu ninku gabadha uu guurkeeda doonayo ka eegi karayo jirka qaybihiisa haween lagu raaco sida wejiga, gacmaha, kubabka lugaha, iwm, qaarbaase intaa kasii fogaaday oo gaarsiiyey ilaa iyo jirka oo dhan waxaan ka ahayn labada dalool (cambarka iyo dabada).
SIFOOYINKII SHEEKH AL-NAFSAWI
Shaikh Al-Nafsawi oo ahaa caalim Islaam ah, noolaana qarniyadii dhexe waxa uu buuggiisii (Ar-Rowdul-Caadhir fii Nus-hatil-Khaadhir) ku qoray sifooyin uu sheegay in gabadha leh aan sinnaba loo daayin guursigeeda. Haddaba sifooyinkii uu sheekh Al-Nafsaawi tilmaamay iyo qaar kaloon tixraacyo kale ka helnay haddaynu nuxurkoodii soo koobno, waxay ahaayeen sidatan:
(Gabadha guursigeeda la doonaa waa tan uu jirkeedu buuxo oo joogga iyo hilibka leh, foolka ballaaran leh, timaha dhaadheer ee madow leh, indhaha sidii ilays la shiday oo kalaa leh, dhabannada shushuban leh, sanqaroorka qoran leh, sunniyaha dhaadheer ee madmadow leh, afka yar iyo ciridka madow leh, ilkaha sidii aleel la qoray ah leh, dibnaha, dhabannada iyo carrabka cas leh, sanka iyo afka carfaya leh, qoorta dheer iyo cabbaaryaha leh, garbaha waaweyn leh, gacmaha buurbuuran iyo garaaraha leh, shafka ballaaran leh, naasaha toobinka ah ee dharka dul saaran dhibsanaya doonayana inay kasoo dhex baxaan leh, xabadka iyo naaska buuxa leh, dhexda yar leh, sinaha waaweyn leh, caloosha godan leh amaba xulus yaroo salaaxista ku habboon leh, xuddunta ballaaran ee biya-degeenkaa leh, cambar dusha iyo daafyaha ka cayilan dhexdana ka ciriirigaa leh, cajarrada waaweyn leh, qaarka dambe iyo doolasha waaweyn leh, kubabka buuxa, cagaha yaryar iyo cirbaha jilicsan leh.
Gabadha socodkeedu yahay siduu abwaanku u sawiray: “Culays kuma dhaqaaqdo mana cararto, cagta socodka kuma dhererto ciiddee way ciribsataa”, kolkay soconayso laafyoota, kor iyo hoosna ka lulata, soo socodkeeda aad macaansatid, sii socodkeedana la miyir beeshid, bashaashadda aan hadalka iyo qosolka badnayn, codka iyo carrabka gaaban balse ereyga kasoo baxa bukaankii maqlaa macaantiida ku bogsoodo, bixitaanka iyo soo gelitaanka yar gurigana aan dhaafin, deriska aan dan lama huraan ah mooyee hadal u doonan, dibadda markay dan ka yeelato ninkeeda oggolaansho ka dalbata, duunyo duqeeda mooyee dad kale aan weydiisan, iimaanka badanoo wax yari deeqaan, degganaanta iyo dulqaadka badan, ninkeeda daacadda u ah oo hadduu gogosha ugu yeero degdeg uga yeesha, hadduu damco ayadu doonata, hadduu iska daayana isdadabta, kolkay galmadu dhacayso dhabannadu casaadaan, indhuhu caddaadaan, dibnuhuna cayaaraan, kalkay ninkeeda la joogto farax iyo qosol badan, markay dad kale arkeysana afgaaban oo edeb badan, eer-sheegad yar, abtiyaal iyo adeeryaal akhyaar ahna leh).
RAG MAXAA LAGU RAACAA?
Ragga iyo dumarku way ku kala duwan yihiin marka laga eego sifooyinka la’isku doorto xilliga guurka. Rasuulkeennu (Sallallaahu calayhi wasallam) waa kii yiri : (Naag waxa loo guursadaa maalkeeda, quruxdeeda, sharafteeda iyo diinteeda), taasi oo ina tusaysa in maalka iyo quruxdu ay 50% ka yihiin sababaha dumarka loo guursado, ha yeeshee kolkay arrintu joogto ninka isagu doonaya inuu guursado, qiimeyntiisu taa ka duwan.
Diinteenna Islaamku waxa ay xaddidday laba shardi oo haddii ninka laga helo ay tahay in markaa inanta uu soo doontay loo guuriyo, labadaasi shardi oo kala ah; Diin iyo Dabeecad. Rasuulka suubbani (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis ku leeyahay: (Hadduu idiin yimaado nimaad diintiisa iyo dabeecaddiisa u bogtaan u guuriya, haddii kale xumaan iyo dhibaato weyn baa dhulka ka dhacaysa). Xadiiska waxaad ka garan kartaa in dabeecadda qofku aanay ku xirnayn diintiisa, maxaa yeelay si kasta oo qofku uu diinta u yaqaan, haddana dabeecad wanaagga, degganaanta iyo qabowga iyo waa loo kala dhashaa dabeecad xumida, xanaaq dhowaanta iyo kulaylka joogtada ah.
Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) kuma aanu soo hadal qaadin xadiiskiisa qurux iyo maal looga baahan yahay ragga guurdoonka ah toona. Haddaba sababtu waxa weeyaan, aynu ku horreeyno quruxda eh, ninka ragga ah waxaa qurux ugu filan ragannimadiisa, oo kol hadduu waxgarad yahay, geesi yahay, caqli iyo kartina leeyahay, waxay ila tahay qurux ay dumar ku raacaan oo u harsani ma jirto. Dhanka kale, marka diinta Islaamka laga hadlayo, maalku kamid ma aha shuruudaha guurdoonka lagu xiray. Ninkii diin (aqoon iyo ku dhaqan) iyo dabeecad wanaag isku darsada, Eebbe asagaa xagga maalka ka kafaalad qaaday. Waxana taasi marqaati ka ah Aayadda oranaysa: (Hadday sabool yihiin eebbe asagaa deeqdiisa ku hodminaya).
GAYAANKAA GUURSO
Arrimaha loo baahan yahay in ahmiyad la siiyo kolka la dooranayo lammaanaha nolosha waxa ugu horreeya diinta iyo dabeecadda sidaynu horeba usoo sheegnay, waxase aan la inkiri karin inay jiraan umuuro kale oo iyaga laftoodu ahmiyaddooda leh, waxaana kamid ah farqiga u dhexeeya da’da ninka iyo da’da inanta uu guurkeeda doonayo
Abuubakar (RC) iyo Cumar (RC) ayaa mid waliba goonidiisa usoo doontay Faadumo binti Rasuul (Sallallaahu calayhi wasallam), markaas buu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) mid waliba goonidiisa ugu sheegay inay gabadhu yartahay. Ha yeeshee kolkuu Cali (RC) soo doontay, waa uu siiyay, waxanay culimada qaar taa ku micneeyeen in Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) doonayey inuu gabadhiisa u guuriyo nin ay isku da’ dhowyihiin, waxana markaasi Faadumo (RC) ay jirtay shan iyo toban sano iyo shan bilood, halka uu Cali (RC) ka jiray koow iyo labaatan sano iyo afar bilood.
Waxaa laga yaabaa inuu maskaxdaada ku soo dhoco guurkii Rasuulkeenna (Sallallaahu calayhi wasallam) iyo Sayidah Caa’ishah (RC) oo iyadu aad uga da’ yarayd Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam), ha yeeshee qoraaga kitaabka (Tuxfatul-Caruus) Maxamuud Al-Istambuuli waxa uu ku doodayaa in umuurtaasi aanay ahayn mid lagu dayan karo sababahaan soo socda awgood:
- Dadnimada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) oo dadnimo qof lala simaahi jirin, taasi oo keentay inay Caa’ishah farxad kula noolayd, isagana ka door bidday nin kasta oo dhallinyaro ahaa oo soo doontay.
- Ulajeeddada siyaasadeed ee ka dambeysay arooskaasi oo loola jeeday in dhidibbada loo aaso xiriir dhexmara Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) iyo Abuu-Bakar Al-Siddiiq (RC) oo saaxiibtinnimada soojireenka ah ee ka dhexeeysay asaga iyo Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) ka sokow, kamid ahaa hogaamiyeyaasha Carabta, loona fududeeyo maslaxadda ka dhaxaysay labadooda, maadaama uu Abuu-Bakar mar waliba tegi jiray guriga Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) si dardarsiimo loo geliyo Dacwada Islaamka.
- Caa’ishah oo ahayd qof aad u diin badan, marnabana aan cabsi looga qabin inay gef ka geysato guurkaasi.
- Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) oo la siiyay awood ragannimo u dhiganta afartan ragga Saxaabadiisa ah awooddood sida ku soo aroortay Xadiiska Saxiixa ah)
DDhammaad faalladii Istambuuli.
Gabar baa gabar weydiisay: Naa rag kee baad ugu jeceshahay?. Markaas bay tiri: “Waxaan ugu jeclahay ger caddaale, guunyo badane, gaajo gooye, kuu garaabe, ku garab taagne, gef ka dheere, garoor ma daadshe, gaawe carafle, gaari farasle, gaarka haaye, deris gargaare,,,, ee adiguna”. Markaas bay ugu jawaabtay: “Anna Gar madoobe, geed walwaale, garruun weyne, gujo kulule, gunta ku geeye, kuna gufeeye, gidaarra jeexe, gurxan badane, gebagebeeye, gacan sarreeye, gam’i waaye,,,, kaas baan u jeclahay ee aniga iyo adiga teennee caqli badan?”
Sida ninkuba u jecelyahay inuu guursado gabar da’ yar, qurux badan, caqli badan, dhawrsan, asagana jecel oo dhaqaalaysa, ayay gabadhuna u jeceshahay in loo guuriyo wiil da’ yar ama aan wax badan ka durugsanayn, qurux badan, caqli iyo ragannimo badan, dhawrsan oo iyada uun ku kooban, deeqsina ah.
Waxaa la yiri: Nin gaaban oo fool xun baa wuxuu qabay gabar qurux badan. Maalin buu usoo galay ayadoo si fiican isu qurxisay. Markaas buu isha la raacay awoodina waayay inuu ka jeesto. Markay aragtay siduu u eegayo bay tiri: “Maxaa kugu dhacay?”. “Wallaahi aad baad u qurxoonaatay”. Markaas bay tiri: “Ku bishaareyso inaan aniga iyo adiguba Janno geleyno”. Suu weydiiyey: “Oo xageed ka ogaatay?”. “Anoo kalaa lagu siiyey markaas baad shukriday, adoo kalena waa la’i siiyey markaas baan sabray, qofka shukriya iyo ka sabraana waa ehlu janno” bay hadal ugusoo jartay.
Waxaa la yiri: Nin baa asagoo faras fuushan waxaa kahor timid naag uusan quruxdeeda ayadoo kale hore u arag. Markaas buu ku yiri: “Hadduu nin ku qabo Eebbe hakuu barakeeyo, haddii kalese ii sheeg”. Markaas bay ku tiri: “Maad iska kay dhaaftid wax aanad jeclayn baa igu yaalle”. “Maxaa kugu yaal?”. “Madaxayga cirraa ku taal”. Intaa markuu maqlay buu faraskii saynta u rogay si uu u dhaqaaqo, waase ay joojisay, oo intay timeheedii hagoogta ka qaadday tustay, mise waaba timo madowgooda wax lagu mitaalo aan la arag. Waxayna ku tiri: “Wallaahi inaanan weli labaatan jir gaarin, ha yeeshee waxa madaxaaga iiga muuqatay cirro, waxana aan rabay inaan ku tuso in annaguba aan idinku nacayno waxa aad nagu nacaysaan”.
Ugu dambayntii, waxaa lagama maarmaan ah inuu jacayl jiro amaba israbitaan ka dhexeeya labada ruux ee guurka u sharraxan, ha yeeshee jacaylka laf ahaantiisa ma aha in laga dhigto yool, balse waa inuu ahaadaa waddo xaaran oo loo maro hadaf ka weyn oo ay labada qof hiigsanayaan. Gabadha aad guursigeeda dooneysaa ma tahay haddaad guri gashaan (waa siday kuula muuqato eh) mid ay naagnimadeedu ku qancin doonto? Ma tahay mid loo daayey agaasin guri, garaneysana rag waxa u roon iyo waxa ka reebban?.
DARDAARAN AAN DIIN LOO EEGIN
Waxa la arkaa waqtiyadaan dambe in dad badan oo isdooranayaa ay isku doortaan muuqaallada dibadda sida: muuqaalka iyo midabka jirka, timaha, eegmada, iwm., iyaga oon ka eegin qofka ay dooranayaan dhanka sifooyinka nafsiyeed iyo dabeecadeed oo iyagu ah kuwa nolosha qoys u horseeda farxad, raynrayn, raaxo iyo murugo la'aan.
Haddaba waa in rag iyo dumarba aan la isku dooran muuqaalka kore oo qura, balse lagu doortaa qofka shakhsiyaddiisa, sababta oo ah muuqaalku waa mid ku xiran da'da qofka oo baaba'aya. Tusaale ahaan, gabar ku fekeri jirtay inay hesho wiil dheer, jirkiisu dhisan yahay, lebbis qurxoon, taajir ah iwm., haddii ay hesho wiilkii ay ku riyoon jirtay una haysatay inuu noqon doono wehelkeeda adduunyada (isna uu ku doortay sifooyinkii ay ku dooratay kuwa la mid ah), kolka ay aqalgalaan oo dabeeto inta ay ka dheregto sifooyinkiisa dibadda, u baahato dadnimadiisa gudaha ayna markaasi ka weydo, waxay billowdaa inay dareento dhibaatooyin aanay hore ugu xisaabtamin iyo inaysan raalli ahayn. Haddaba kolka aad dooranaysid kan kula wadaagaya nolosha, waa in aad ka eegto oo qiimaysid gudihiisa iyo dibaddiisa labadaba oo uusan kugu noqon (afka malab uur minshaar).
Gabadhu inta aysan isku indha tirin jacayl, waxa loo baahan yahay inay ogaato ruuxa ay laabteeda u furaysaa inuu noqon doono kan ay isla billaabi doonaan socdaal nololeed jiraya ilaa ay geeriyi kala geyso. Waa inay maskaxda ku haysaa in doorashadeedaasi ay tahay imtixaan ay geleyso inta ay nooshahay kan ugu adag, sidaasi daraadeedna ay isugu geyso wax allaale waxay xeel iyo khibrad leedahay siday u darsi lahayd dabeecadda iyo shakhsiyadda gudaha ee qofka ay dooranayso.
Waxaa laga yaabaa in qofku aragtida guud ka caafimaad qabo, balse uu hoosta ku wato cudurro xunxun sida Jabtada amaba cudurrada kale ee waqtiyadaan dambe ku caan baxay dunida kuna qarsoon xubnaha taranka, kuwaasi oo ay khatartoodu badan tahay gaar ahaan kolka ay hayaan haweenka. Waxa laga yaabaa in Jabtada kolka la iska daaweeyo ay dusha ka bogsooto, balse ku qarsoon tahay jirka hoose ilaa ay maalin maalmaha kamid ah u gudubto maskaxda keentana cudurro Eebbe kaa haayo, iyada oo weliba u gudbaysa qofka aad isqabtaan iyo carruurta intaba. Cudurka Qaaxadu isna waxa uu leeyahay natiijooyin kuwaasi la mid ah, waxaana waajib ah in arrimahaasi oo dhan maskaxda lagu haayo marka la dooranayo lammaanaha nolosha.
KHIDBADA
Khidbada haddaynu ka eegno dhanka diinta Islaamka iyo dadkii hore, waxa ahayd sidatan: wiilku dumar buu dirsan jiray uga warkeena inanta akhlaaqdeeda iyo gaarinimadeeda. Hadduu la dhaco wanaagga laga soo sheego iyo warbixinta laga keenana, duqay buu kaxaysan jiray amaba keligii bixi jiray oo intuu aabbeheed u tago guurkeeda weydiisan jiray. Kolkaana aabbuhu hadduu ku qanco wiilka diintiisa iyo edebtiisa, wuxuu la tashan jiray inanta iyo hooyadeed, hadduu oggolaasho ka helana halkaa ayuuba ku bixin jiray. Gabadha markaa inta la mehriyo ayaa ninkeeda la daba dhigi jiray, waxayse ahayd hadduu sidaa dalbado. Haddii kale intuu halkuu kasoo doolay u noqdo ayuu kolkuu guri diyaarsado soo doonan jiray laguna dari jiray.
Maanta khidbadu waxa weeye xaflad faraxeed duunyo badani ku baxdo dad badanina isugu yimaado, dabeetana wiilka iyo gabadha oo si fiican loogu soo lebbisay gacmahana ishaystaa intay ku soo baxaan dadka xafladda kasoo qaybgalay, hortooda isku weydaarsada farraanti ka dhigan heshiis dhexmara labadooda oo ah inay isguursan doonaan, waxayna dhab ahaantii u egtahay heshiis ganacsi labada dhinac mid loogu xajinayo kan kale, waana arrin aan diin wax sal ah ku lahayn.
Hablaha qaar khidbadu waxabay u tahay dareen iska sara marin ay iska sare marinayaan kuwa kale ee aanay weli duruuftu u oggolaan in dadku isugu yimaado uguna alalaaso xafladda khidbadooda. Waxa iyana jirta in khidbado badani ku dhacaan si degdeg ah, si waddada looga xiro loogana boos qabsado kuwa tartanka kula jira gabadha ama wiilka. Dhallinyaro badan baa hablaha ugu ballan qaada guur, si ay uga haqab tiraan rabitaankooda jinsiyeed dabeetana ka baxa ballantii ay ku galeen afar indhood hortood. Kol haddayse khidbadu ku dhacayso dadka oo dhan hortooda, ceeb bay ku noqonaysaa iyo sharaf dhac haddii intuu gabadhaasi ku ciyaaro dabeeto isyiraahdo fasakh (kabax) khidbadaasi sabab la'aan.
Tijaabooyinku waxay caddeeyeen in khidbada ay ku xigsato galmadu iyada oon la gaarin meher iyo aqalgal, ay inta badan ku dhammaato kala tag. Khidbadaha qaar baa ku dhaca xaalad qooq iyo kacsi iyo dhaar inayan weligood kala harin, iyada oon wax hordhac iyo ka fiirsi ahi ka horreeyn, sidaasina intay u hoggaansamaan kacsi iyo rabitaan aan xad lahayn, daqiiqad kadib ka shallaayaan wixii ay daqiiqad kahor ku dhaqaaqeen. Gabdhaha qaar baa kolka ay hoosta ka galaan wiilka ay jecel yihiin uu soo weeraraa dareen kacsi aan xad lahayni, dabeetana awoodi waaya inay (maya) yiraahdaan iyaga oo miyir iyo dhimirba beela, sidaasina ay ku dhacaan heshiisyo aan weligood dhaboobayn iyada oo weliba aan la joogin meel laga noqdo.
Gabadhii khidbadeeda fasakhda mujtamacaadka reer barigu waxay ku eegaan il liidiseed, taasi oo ah dulmi la jideeyey waqti fog. Fasakhidda khidbadu amaba haddaynu si kale u niraahno ka bixitaanka ballantii ahayd in la isguursan doono waxay xummeysaa sumcadda gabadha. Waxa intaa dheer in mujtamaca iyo cid kasta oo doonta inay gabadhaasi dib u doonato labaduba u arkaan inay tahay garoob, si kastaba gabadhaasi ha u jeclaato khadiibkeeda cusub, daacad iyo raaliyana ha ugu ahaato eh. Dalalka aan diinta Islaamka ku dhaqmin qaarkood waxay khidbadu uga dhigan tahay xarig sharci ah, khadiibadduna waxay leedahay xuquuq u dhiganta tan ay leedahay haweeneyda la qabo iyo weliba xuquuqda uurjiifka caloosheeda ku jira haddii ay u oggolaato khadiibkeeda inuu u galmoodo intaanay aqalgelin. Waxa caadi ah inaad dalalka caynkaasi ah ku aragtid nin iyo haweeney isu dhalay laba iyo saddex carruur ah oo la leeyahay caawa ayuu dhacayaa nikaaxii iyo aqalgalkoodii. Waxa taasi ka yaab badan in dalalka qaar aanayba labada qof isguursanaynin ilaa iyo inta ay ka hubsanayaan inay carruur isu dhali karayaan, iyaga oo isla noolaanaya ilaa iyo intay dhawr carruur ah isu dhalayaan, markaa dabadeedna aqalgal iyo xaflad yaab leh loo dhigayo
Somalia: Why is Osama Bin Ladin likely in Somalia?
Mogadishu Friday 17 July 2009 SMC If they are capabale of smuggling guns, drugs, fish, ipods, anything back and forth don't you think it is logical that they would also be capable of smuggling people? In fact, they are known to have smuggled people, so the answer is obviously: Yes.
These conditions would make it easy for anyone, with any purpose, to travel by ocean between the Middle East and East Africa. Look at the map. With a small boat, which are nearly impossible to detect, you could make the journey in about 36 hrs.
It is even easier for Bin Laden because many of the Somalian people, if they are educated enough to even know who he is, respect and/or fear and/or love the maniacal bastard. If they don't they are afraid of someone who does.
These same people have better information about Navy Patrol patterns, weather conditions, etc. in that waterway than anyone. They need to have it to survive. If they didn't have it they wouldn't be Pirates anymore, they would be dead piractes, or prisoners.
Bin Laden is a gifted strategic thinker, and access to both East Africa and the Middle East is crucial for maintaining whatever control he still has over various terrorist networks. These people generally operate with face to face meetings. He needs to be able to get back and forth so he can talk to people face to face if he wants to maintain his grasp on power. Fear of losing this grasp motivates Osama more than any other concern. In this sense he is very much like our former Vice President.
The US Marines are currently pushing towards the Panshir Valley. Many of them expect to find Bin Laden there. They won't find him there because he isn't stupid enough to stick around with a bunch of Jar Heads bearing down on his position. He probably left before they arrived.
Like Cheney he is motivated more by a desire for power than any ideal. The power he is seeking is power over the people in the Middle East. Attacking America was just a means to that selfish end.
When any military tries to attack Somalia the people there fight back. They are defending Bin Laden's position whether they realize it or not, which is even more ideal for him because it means that it is impossible to capture these people and get any useful information out of them. They don't know he is there, and they certainly don't know where.
Because of the political ramifications of the "Black Hawk Down" incident the Bush Cheney team would never, ever, have gone back in there. Osama Bin Laden knew this.
By invading Iraq the Bush Administration played right into Bin Laden's hands. &n bsp;Bush and Cheney did exactly what our enemy wanted to them, and then used this as evidence of their heroism. I believe Bush was actually foole, but Cheney knew this all along and didn't care. For Cheney 911 was a political opportunity to practice the politics of fear. The Congress, and the Press, collectively, fell for it.
In some parts of the Middle East, incidents as horrible as 911 happen every day. The death toll may not be as high, but to the people who witness them, who are maimed, or killed, or have family members or friends who are maimed or killed, the psychological effects are the same.
To many who live in these places, in a culture that values personal courage over almost any other quality, we not only looked like cowards, but our national principles looked meaningless.
President Bush is largely to blame for this because in the end it was his responsibility to uphold our national values. He failed miserably while the world watched. This is not a very good strategy for spreading the values of Democracy.
Osama sent a dozen men onto airplanes. Bush sent most of our Military Forces to a country Bin Laden cares nothing about, and in the process made Osama Bin Laden into what he is today, a hero to fanatical Muslims. This is precisely what Osama Bin Laden DOES care about.
I believe that Cheney may have known this all along. Time and time and again Dick Cheney has demonstrated that political concerns motivate him more than National Security concerns. Whether he was conscious of it or not, Dick Cheney sought time and time again to terrorize the American people for political purposes, just like Osama Bin Laden.
Waa calankii somalia oo babanaya Quruxdiisa'








cllaahi Ibn Cabaas (RC) waxaa uu yiri in Nabi Muxammad markii uu dhameystey xajkiisii ugu dambeeyey oo ku beegneyd sanaddii 10aad ee Hijriyada uu hor istaagey iridda laga galo kacbada barakeysan, isago gacanta ku haya qufulka iridaasi, isla markaana ku dhahaya asxaabta ' MA IDIN SHEEGAA ASTAAMAHA MAALINTA QIYAAMAHA LAGU GARTO?
Salmaan Faarisi oo ka mid ah ahaa asxaabta isla markaana taagnaa meel u dhow nabiga CSW, ayaa yiri ' Haa Yaa Rasuulu Allah CSW inoo sheeg'
Rasuulka ayaa markaa yiri ' Xaqiiqo ahaan, astaamaha lagu garto inay soo dhowaatey saacadda waxaa ka mid ah 1) in dadku ay salaadda dhayalsadaan
2) Dadku waxay u hogaansami doonaan hawadooda ama shahwaadkooda.
(3) Waxay ku dadaali doonaan inay naftooda uun u roonaadaan, waxayna aad u xishmeyn doonaan dadka maalqabeenka ah.
4) waxay iibsan doonaan diintooda iyagoo ku bedelanaya aduunyo
5) Waqtigaasi la joogo ruuxa iyo qalbiga muminka ah waxay noqon doonaan kuwo murugo darteed u milma, soda milixda ama cudbada ay ugu milanto biyaha, waayo Mu'minku waxaa uu arki doonaa waxyaabo la xaaraantinimeeyey oo lagu dhaqmayo, mana woodo inuu wax ka bedelo.
Salmaan ayaa markaa yiri waxaasi ma dhici doonaan , Yaa Rasuulu Allah CSW?
Rasuulka CSW ayaa yiri, haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto, isagoo raaciyey
6) Waqtigaasi kuwa xukunka haya waa kuwo dhaalimiin ah
7) Wasiiraduna waxay noqon doonaa kuwo caasiyaal ah
8) Kuwa xilalka loo dhiibana ee amaanada lagu maaniye waxay noqon doonaan kuwo wax khiyaameeya
9) Xaqiiqdii watigaasi xumaanta waxaa loo arki doonaa wanaag, wanaagana waxaa loo arki doonaa xumaan
10) Kuwa wax khiyaana waxaa loo arki doonaa kuwo aamin ah, kuwa aaminka ahna waxaa loo arki doonaa ianya waxa khiyaameeyaan. Kan beenta sheegana waa la maaini doonaa, halka kan runta sheegayaa loo arki doono inuu beenaale yahay
11) Waqtigaas waxaa kale oo jiri doonaa maamulo ay haween ka taliyaan.
12) Khiyaanada ama in wax la is daba mariyo waxaa loo arki doonaa ilbaxnimo
13) Zakada bixinteeda waxaa loo arki doonaa sida iyado qofka lagu soo rogey inuu bixiyo ganaax, hantida ummaduna waxay noqon doontaa sida hanti u ruux si gaar ah u leeyahay.
14) Ruuxa waxaa uu kibir kula dhaqmayaa waalidkiisa,, waxaana uu si wanaagsan ula dhaqmayaa saaxibadiisa
15) Xiligaasi waxaa la arki doonaa xidigo gadaal ka jiidan (comets)
Salmaan ayaa markaa yiri waxaasi ma dhici doonaan , Yaa Rasuulu Allah CSW?
Rasuulka CSW ayaa yiri, haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto, isagoo raaciyey
' Salmaanow
16) Waqtigaasi haweenka waxay ganacsiga kula shirkoobi doonaan raggooda
17) Roobka di' doona waxaa uu noqon doona mid kuleyl wata.
18)Dadka wanaagsani waxay noqon doonaan kuwo murugeysan, maaskiintuna waxay noqon kuwo aan la xishmeyn, waxaana jiri doona oo kale suuqyo isku dhow, waxaana ganacsatdaa sida aadka iugu dhow uu mid kasta oran doonaa, naigu waxba maan iibin, kan kalena wuxuu oran anigu wax faaido ah maan helin. Sidaa darteed ma wayn doontid qof Ilaah u cabanaya Subxaanahu watacaalaa.
Salmaanow
19) Waxaa dhici doonta in dadku hadii ay ka hadlaan arrimaha dadka talada haya, waxay la kulmi doonaan dil, hadii ay aamusaanna, waxaa khasab lagaga qaadi hantidooda, wax xishamd ah lama siin doono, dhiigooda ayaa la daadin, dadkana quluubtooda waxaa ka buuxsami cabsi, mana arki doontid ruux, ilaa ruuxaasi uu noqdaa mooyee, mid aad u baqaya, isla markaana la argagax geliyey.
20) Shaki la'aan Salmaanow, waxaa jiri doona waxyaabo laga keeni doono Bariga iyo kuwo laga keeni doono galbeedka, waxaana halkaa ku ba'ay kuwa iimaankooda uu daciifka yahaya ee ummadeyda ka tirsan. Dadku waxay noqon doonaa kuwo aan isku naxariisan oo aan is cafin. Jirkooda waa jir baniaadam, laakiin quluubtooda waxaya noqon quluub sheydaan.
Salmaanow
21) Waqtigaasi ragga waxay haeysan doonaan rag kale, haweenkuna waxaya sidoo kale haweysan doonaan haween kale.
22) Wiilsha yaryarka ahna waxaa loo isticmaali doonaa sida haweenka oo kale.
23) Raggu waxay isku ekeysiin doonaan haween, haweenkuna waxay isku ekeysiin rag.
24) Waxayn taasi horseedi doontaa inuu Ilaah naclado haweenka ummadeyda ka tirsan
25) Masaajidada waxaa lagu xardhi doonaa Dahab iwm. si la mid ah sida loo xardho kaniisadaha iyo goobaha ay ku cibaadeystaan Yuhuudda.
26) Qur'aanka waxaa lagu xardhi doonaa nakhshado iyo midabo ku soo jiidanaya iwm.
27) Minaaradaha masaajidd awaxay noqon kuwo aad u dheer, safafka dadka salaada ku jira waxaya noqon kuwo badan, laakiin dadkaasi quluubtooda iskuma fiicna, hadaladooduna waa kuwo is khilaafsan.
28) Waqtigaasi raggu waxay isticmaali doonaan dahabka oo ay xarago ahaan u xiran doonaan, waxaya kaloo xiran doonaan xariirta, isla markaan awaxa akel oo ay isticmaali doonaan hragga shabeelka.
29) Waqtigaasi waxaa jiri doonta ribo, dadkuna waxay sameyn doonaan ganacsi , iyagoo isku eedeynaya laaluusha.
30) Dadku diinta ayay dhulka dhigi doonaan, dunidana kor baa loo qaadi doonaa,
31) Waqtigaasi waxaa badan doona furiinka ragga iyo haweenka.
32) Xuduudaha Rabbina waxay noqon doonaan kuwo aan la dhowrin.
33) Laakiin taasii mid Allah Subxaanahu Watacaalaa wax u dhimeysa ma aha
34) Waxaa soo bixi doona haween heesa iyo aalado music ah.
35)Kuwa ugu xunna waxay u talin doonaa ummadeyda
36) Waqtigaasi dadka maalqabeenka ah ee ka tirsan ummadeyda waxay xijka u tegi doonaan sida iyagoo booqsaho ama socdaal cadi ah ku jira, iyagoo ay weheliyaan ganacsato meel dhexaad ah, masaakiintuna waxaty u tegi doonaan is tustus.
37) Waxaa soo bixi doona dad baran doona quraanka kariimka , ba;de ujeedkooda ma ahan Allah dartii, waxayna quraanka ka dhigan doonaan sida aalada music ah.
38) Waxaa kale oo jiri doona dad diinta baran doona , oo iyaguna aan Allah dartii sidaa u sameyneyn.
39) Waxaa badan doona tirada carruurta aan sida sharciga ah ku dhalan, dadkuna waxay isku qaadi doonaan weeraro, adduunyo ceyrsasho awgeed.
"Salmaanow! (40) Waxaani oo idil waxay dhaci doonaan, mar xishmadii ay suushey, dunuub badanna la geli doono, dadka xun xun ay u talinayaan amaba ay korka ka heystaan kuwa wanaagsan.
41) Beenta ayaa faafi doonta, waxaana dhici doona cay iyo doodo hadalo la isku dhaafsado, miskiinnimada yaa iyana baahi doonta.
42. Dadku waxay isugu faani doonaan lebbiskooda.
43) Waxaa di'i doona roobab aan watigooda la gaarin.
44)Dadku waxay waqtigaasi cayaari doonaan khamaar iyo musik.
(45) MA jecleysan doonaan dadku inay wanaagga is faraan, xumaantan iska reebaan.
46) Qofka Mu'mika ah xishamadiisa waxay noqon mid aad u hooseysa arka la barbardhigo xitaa dadka ka shaqeeya guryaha
walaal hadi ay kusoo gaarto farriintan udir walaalahaada muslimiinta ah ilaahey ajir iyo xasanaad fara badan hakaa siiyee waxaakuu soo diray maryan sheikh abdille ee walaal fadlan wixii aad garaneeyso oo aad e-mail koda haaysa u dir insha allah waa warqadaan wada anfaceeysa islaamka oo idil hana ka dhiganin wax yar insha allah haddii aad faafiso warqadaan ilaaheey ayaa ku siinaayo ajir & xasanaad insha allah ok asalaamu caleykum warax ma tululaahi wabarakaatuhu.


madaxweynaha somalia Mudane Cabdulaahi Yuusuf Ahmed
xusuusta alle waa qaali walaalayaal
waxaan idinka codsanayaa waraaqdaan
aad sii gudbisaan si ay idinkana ajar
idinku noqoto diintana aad wax ugu tartaan
allena aad xagiisa uga noqotaan dad camal
wanaagsan waa iga codsi.
aana idiin digee waa !!!
waxaan idin leeyahay nimcada alle ayaan
la ilaawin markasta .
alle na ka barya inuu wadada wanaagsan idinku .
hanuuniyo
hadii ay fariintani ku soo gaartey oo aad akhrisey laba nimco ayaa haysataa tan hore waa inaad nimcada xusuusatey tan labaad malayin badan oo dunida ku nool waxba ma akhriyaan
ugu dambeyntii waxaan ku dhihi lahaa
si aad u noqoto dadka qofka ugu wanaagsan
ilaahay uga mahad sheego nimcada faraha badan ee aan la koobi karin
carabkaagu ha ahaado had iyo goor mid ilaahay xusuusta
salaad kastoo aad tukatana ha ilaawin inaad tidhaahdo (ilaahow iigu kaalmee xusuustaada iyo ka mahad celinta nimcdaada iyo cibaadada)suuban)
inaad walaalaha kalena xasuusiso nimcada alla iney gartaan kana mahad celiyaan, maxaa yeeley is xasuusintu way anfacdaa dad muminiinta ahma u direysaa fariintan asxaabtada iyo inta aad jeceshey si ay iyaguna alle uga mahad shegtaan.
Alla mahad leh goor kastaba.
QORE: Yaasiin Abdirisaaq Mohamed( Mr.Juuufe. )




